Kulan Xog-Waran ah oo SSE la yeelanyso Wasiirka Qorsheynta Qaranka: Dr. Sacad Cali Shire |
||
Waxaan idinku war gelinayaa in Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Jamhuuriyada Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo haatan ku sugan magaalada London, UK, uu shir gaar ah oo xogwaran ah la yeelan doono xubnaha SSE maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 8da bishan June. Shirkan oo ka qabsoomi doona magaalada London saacadu marka ay tahay 7:30 fiidnimo, waxaa laydinla socodsiinayaa in, Golaha lagu kulmayo oo aan noo saamaxeen in ka badan, tiro dad 20 qof oo kaliya loo baaqayo. 20ka xubnood ee jawaab (confirmation) laga helo ilaa beri duhurkii ayaa marti qaad loo fidinayaa laguna wergelin doonaa cinwaanka goobta shirku ka dhici doono. Xubnaha kale ee aanay u saamaxeyn in ay fursadan ka qayb qaataan waxaan idinku dhiiri galinayaa inaad, fadlan, soo gudbisaan wixii su'aal ama su'aalo ah ee aad jeclaan lahaydeen in Wasiirka la weydiiyo, oo aad halkan ku soo gudbisaan. Fadlan ku talo gal kharashkaaga. Fadlan ka raali noqda fariintan iyo casumaadan kooban. Salaan markale. Salma A Sheik Xoghayn, SSE | ||
Address: Food Palace, 11 Hornlane, ACTON W3 9MJ, London, UK Date:Friday, 8 June 2012 Organisers:SSE |
BACK |