Europe), oo ah dalladda ay ku bahoobeen Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub, waxa uu werwer badan ka muujinayaa shirar muddooyinkan danbe la wad waday; kii ugu dambeeyeyna lagu qabtey dalka Jabbuuti bishan Diisember 2010 halkaas oo sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha shirkaasi la isugu keenay qaar ka mid ah aqoonyahanka Jaamacadaha Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Afhayeenka ururka martigeliyey shirka, kuna hadlayay ciddii soo qaban qaabisay, ayaa tibaaxay in ujeeddada kulanku ahaa in shirka lagaga wada hadlo qaabkii lagu midayn lahaa: manhajyada waxbarashada Somaliland iyo “Puntland”; waxa uu ugu yeedhay “dhaqan dhaqaalahooda”; iyo arrimo kale oo uu ka warwareegay inuu shaaciyo.
Waxa ayaan darro ah, gefna ku ah qaranka Somaliland in uu afhayeenkaasi ku tilmaamay xuduudaha u dhexeeya laba dal sidii ay yihiin meelo lacago xaaraan ah lagu qaado oo ku ah culays baayacad mushtarka. Somaliland waa dal leh xuduudo iyo goobo kastam ah oo ku shaqeeya sharci laga ansixiyey hay’adaha xeerdejinta iyo fulinta ee qaranka.
Haddaba Ururka SSE wuxuu u arkaa shirkan Jabbuuti ee IGAD iyo HESPI ku lug leeyihiin in uu yahay mid la doonayo in lagu dago oo lagu waxyeelleeyo jiritaanka qaranimada Somaliland, laguna hadoodilo guulihii siyaasadeed ee Somaliland dhawaanahan gaadhay; dhanka kalena, ka mid ah qorshayaashii soo taxnaa ee yoolkooda kama danbaynta ahi ahaa in lagu minjoxaabiyo madax-bannaanida Somaliland.
Wax wada qabsiga waddamada gobolku waa arrin dhiirrigelin ka ballaadhan intan u baahan, waxase lagama maarmaan ah in ay soo maraan xidhiidh caalami oo ka dhexeeya dalalka, aanu mugdi ku jirin isla markaana ay soo ansixiyeen goleyaasha xaqa u leh ee qaranku. SSE uma aragto habayaraatee in wax faa’iido lihi ugu jirto Somaliland kulan fikirkiisa kama dambaysta ahi yahay in madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland lagu gelinayo shaki iyo halis.
SSE waxa ay ku baraarujinaysaa xukuumadda iyo saaxafadda Somaliland inay taxaddar iyo feejignaan culus ka yeeshaan arrimahan. Hay’adaha dowliga ah iyo wasaaradaha ay sida tooska ah u khuseyso waa in ay darsaan arrimahan lagu kulminayo dadkan Somaliland iyo qaybo ka mid ah waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, kana yeeshaan siyaasad cad oo loo raaco markasta oo ay soo waajahaan.Sidoo kale ururka SSE wuxuu farriin culus u soo gudbinayaa dhammaan aqoonyahanka Somaliland (mid dalkii joogga iyo mid dibad ku suganba) iyo sidoo kale ururada aan dowliga aheyn in :
1. Laga digtoonaado qorshayaasha mugdigu ku jiro, sida kulan kan u danbeeyay ee Jabbuuti ka dhacay;
2. Wax kasta oo lagu dhaqaaqayo marka hore lagu eego miisaanka ah bal sida uu u kaabayo ama u turanturaynayo jiritaanka Somaliland;
3. Wada tashi laga yeesho marka ay la soo darsaan tallaabooyinkan aan ujeeddooyinkoodu qeexnayn ee laga yaabo inay noqdaan mu’aamarad ama khiyaamooyin lagu dhagrayo Somaliland iyo himilooyinkeeda.
4. La fahmo wakhtiga adage ee lagu jiro in lagaga gudbi karo wada shaqeyn, daacad, waddaninimo iyo iskaashi dhex mara hoggaanka hay’adaha aqoomeed ee Somaliland, ururada aan dowliga aheyn iyo golayaasha xukuumadda. Si gaara anagoo u ixtiraamayna shaqada gaarka ah ee ay hayaan ururada aan dowliga aheyn ee Somaliland ayaanu talo ahaan ugu soo gudbinaynaa inay feejignaan adag ka yeeshaan dabinada siyaasadeed ee loo maleegayo jirritaanka qadiyadda Somaliland anagoo rajaynayna in marka horreba aanay shaqadoodu ku wajahnayn dhinaca siyaasadda.
5. Ugu dambeyn in ururada qurbo joogga Somaliland laftoodu ay heegan u noqdaan la shaqeynta iyo la hawl gelidda arrimaha aan kor ku xusnay.
Waxaan hubnaa, haddii dadka reer Somaliland ee ka qayb galay ay keliya is waydiin lahaayeen ujeeddooyinka dhabta ah ee ka dambeeya shirarka noocan oo kale ah iyo waxa ay tahay hay’adda la magac baxday HESPI waa se kuma ninka hormoodka ka ahi, ayan shirkaa ka qayb galeen.
Ugu danbeyntii waxaanu xukuumadda iyo shacabweymaha reer Somaliland ku guubaabinaynaa in meel looga soo wada jeesto weijiga cusub ee qorashayaasha dahsoon ee la rabo in lagu minjoxaabiyo madax-bannaanida Somaliland.
Alle ayaa mahad leh,
Guul iyo gobbanimo ayaynu isku ognahay.
Guddiga fulinta.