Taariikh: 31/12/2010
Sum: 235331122010
Sannad waliba hoodiyo, hawl iyo dhibaatiyo, wuxuu haddimo leeyahay, waa laga helaayoo, hadhow lagu xusuutaa, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay (Aamiin).
Ugu horreyn, ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinayaa dhalashada sannadka cusub ee 2011. Caafimaad qab iyo cibaado taam ah ayaanu u rajaynaynaa sannadka cusub dhammaan shicibka reer Somaliland mid dalkii ku nool iyo mid qurbo ku suganba.
Sannad kastaa wuxuu leeyahay talaabooyin horummar ah oo ah wax lagu faano oo uu gala baalka xasuusta fiican. Sidoo kale sannad kastaa wuxuu leeyahay hagardaamooyinkiisa iyo hadimooyinkiisa oo ah wax laga taxadiro, laguna waayo arko isla markaana gala baalka xasuusta waayo aragnimada.
Wixii horummar iyo horukac ahaa ee ummada reer Somaliland u qabsoomay sannadkii laga soo gudbay waxa aanu rajaynaynaa inay geli doonaan diiwaanka togan ee aynu ku xisaabtano isla markaana waxaynu rajaynaynaa in wixii dadaalo ahaa ee inoo socdey halkooda laga sii ambaqaado. Dhacdada aan si sahlan loo hilmaami Karin ee sannadkii laga soo gudbay inoo qabsoomay waxay aheyd codbixinta Madaxtooyada Somaliland oo si habsami ah uga dhacdey dhammaan lixda gobbol ee dalka. Codbixintu waxay ku beegantay maalintii Somaliland ay xornimada ka qaadatay maamulkii Ingiriiska muddo hadda laga joogo 50 sannadood. Waxa aan la hilmaami Karin wakhtigii doorashada is-ixtiraamida iyo wada shaqeynta ka dhaxaysey golayaasha xukuumadda, xisbiyada qaranka ee doorashada ku tartamayay iyo guddiga doorashooyinka. Waxa taariikhdeena baal dahab ka galey in natiijadii ku soo baxdey si caddaalad ah ay u dhacdey oo lagu wada qancay isla markaana xilkii si nabadgelyo ah lagula kala wareegay.
Si guud golayaasha xukuumadda, gaar ahaana golaha xukuumadda waxa aanu sannadkan cusub ee fooda inagu soo haya ka rajaynaynaa in Ilaahay waafajiyo wax ka qabashada arrimaha badan ee wakhtiga dheer inaga qabyada ahaa iyo inay noqdaan kuwa ku sugnaada dariiqa inagu hagaya horumarka iyo waxa aanu ka filayno beesha caalamka ee aqoonsigu u horreeyo.
Horumar iyo in lagu tallaabsado is-beddal ka duwan dariiqyadii aynu horre u soo marnay waxay u baahan in loo sabro xannuunka iyo duruufaha ka sokeeya, sidaa daraadeed shicibka reer Somaliland iyo xukuumaddaba waxa aanu kula talinaynaa in dul qaad iyo xamil loo yeesho duruufaha la marayo marka marxaadahaa laga gudbayo si is-beddal horukac inoo horseedaya loo gaadho. Sannadka 2011, SSE waxay guud ahaan u rajaynaysaa dadka reer Somaliland meel ay jooggaanba in Ilaahay garansiiyo halka dantooda, wannaaga iyo kheyrku ku jiro. Sannad wado jir iyo wado shaqeyn ku dhisan ayaynu filaynaa.
Sannadka cusub waxa aynu rajaynaynaa inuu inoo noqdo mid hoggaankeenu si fiican u dabaqo waayo aragnimadii uu ka helay kii laga soo gudbay. Nabad iyo deganaansho ayaynu Ilaahay uga baryaynaa in guud ahaanba dadka mandaqadu ku wada noolaado, gaar ahaana dalka Soomaaliyeed ee aynu jaarka nahay is-fahan iyo is-afgarad buuxa oo ay arrimahooda ku dhammaystaan ayaynu u rajaynaynaa.Sannad inooga tilmaaman sannadihii ka horreeyay ayaynu rajaynaynaa. Sannadka cusub guul iyo aqoonsi ummadeed ayaynu Ilaahay ka baryaynaa, kaasoo ay dani ugu jirto mandaqada iyo caalamka guud ahaan. Ugu dambeyn qurbo-jooga reer Somaliland meel ay joogaanba waxaynu isku ognahay dadaal iyo is-xilqaan dheeri ah oo ku wajahan duruufaha qurbaha inagu haysta sidii aynu u wada wajihi laheyn iyo waajibaadyada la inaga filayo inaynu ka soo baxno ee ku aadan dalkii iyo dadkii aynu ka nimid.
Somaliland waa ul iyo diirkeed ee ha lagu dadaalo in sannadka cusub aynu si guul ah u dhammaystirno diiwaangelinta.
Ilaahay ayaa mahad leh,
Guddiga Fulinta