Taariikh: 13/01/2011
Sum: SSE24513012011
Ku; Dhammaan xubnaha SSE
UJ: Codsi lacagta xubinimadda
Asalamu Calaykum,
Dhammaan xubnaha sharafta leh ee dalladda SSE waxa aan ku boorrinayaa bixinta lacagta biirada ama qaadhaanka ee ururka. Sida aad la wada socotaan beryahan dambe ma aanay suurtoobin in lacagta yar ee ururkeennu u baahan yahay si joogto ah loo bixiyo, taasoo ma huraan u ah fulinta hawlaha SSE(da) iyo qorshayaasha horyaalla ururka, kuwaasoo la’aantood aan la higsan karin yoolka aynu beegsanayno. Aad ayay muhiim u tahay inaynu gacan ka geysanno bixinta lacagta biirada ama qaadhaanka oo sannadkiiba mar ah isla markaana bixintiisa aynu wakhti kooban ku soo xaddidno.
Waxa aan mar labaad iyo mar saddexaadba ku celinayaa in la dareemo muhiimadda iyo faa’iidada ku jirta bixinta qadarka yar ee lacagta ee loo baahan yahay inaynu xil iska saarno bixinteeda.
Qaadhaanka joogtada ah ee SSE inta uu noqonayo waa sidii lagu go’aamiyey shirweynihii aynu ku yeelanay Brussels ee waddanka Biljimka oo aan shirarkii ka dambeeyay waxba lagaga beddelin, waana sida soo socota:
- Qaadhaanka Ururadu waa €100 (boqol euro), hal mar sannadkiiba
- Qaadhaanka xubnaha iskood u bixinaya €50 (konton euro), hal mar sannadkiiba
Ugu dambeyn Ururada iyo xubnaha SSE si xushmadi ku jirto ayaan uga codsanayaa inay bixinta qaadhaanka mas’uuliyad iyo xil gaara iska saaraan isla markaana ay u soo bixiyaan sida ugu dhakhsaha badan.
Mahadsanidin,
Sidaa iyo wada shaqasyn wacan,
Maxamed Baashe Xaaji Xasan
Madaxa waaxda dhaqaalaha
Koontada lacagta lagu soo dirayaa waa sida hoos ku xusan,
SSE
HSBC
Bolton BL1 1RJ UK
Account Number: 22216930
Sort Code: 40-12-25
BIC: MIDLGB2102R
IBAN:GB13MIDL40122522216930