Waxa maalintii Sabtida ee 23ka April ka dhacay magaalada Manchester ee waddanka Ingiriiska kulan xog-waran ah oo la xidhiidha arrimaha abaaraha Somaliland ka jira iyo duruufaha ku xeeran. Kulanka waxa marti u ahaa wafdi ka socdey oo ka kooban:
1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland. Sheekh Khaliil C/laahi Axmed
2-Wasiirka Beeraha Somaliland Dr.Faarax Cilmi Maxamud Geedoole
3-Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Marwo. Ilhaan Maxamed Jaamac
4-La taliyaha Madaxweyne ku Xigeenka Mudane.Cismaan Siciid Jaamac .
Kulankan waxa si wadajir u soo qabanqaabiyay xubno ka kala socdey jaaliyadaha Somaliland ee Magaalada Manchester iyo degmadda Bolton. Madasha kulanka oo uu daadihinayay Cabdi Saciid ayaa waxa lagu furay aayado quraanka kariimka ah oo uu akhriyaya Sheekh Cabdullahi Maxamed Ilaahay ha ka abaal mariyee. Waxa xigey oo kalmadda soo dhoweyn ah iyo haddalo kooban halkaa ka soo jeediyaya Cabdiraxmaan Cabdillahi Jibriil oo ah Gudddooomiyaha Jaalliyadaha Yurub (SSE). Guddoomiyuhu wuxuu wefdiga uga mahadnaqey hawlaha wax-ku-oolka ah ee ay waddanka dibadiisa ugu soo baxeen si ay qurbo joogga reer Somaliland ee UK si xog-ogaalnimo ah ula socodsiiyaan xaalada waddanku halka ay mareyso, gaar ahaan dhinaca abaaraha.
Dhinaca wefdiga Somaliland waxa haddalo kooban madasha kulanka ka soo jeediyay la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cismaan Siciid Jaamac oo ka waramay ujeeddada wefdiga oo ah inay jaaliyadaha reer Somaliland ee UK u wadaan xog la xidhiidha abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay xukuumadda Somaliland uga go’antahay in aanay waxba kala hadhin sidii loo caawin lahaa dadka ku dhibaataysan waddanka. Waxa kale oo uu ka waramay socdaaladii ay ku soo kala bixiyeen magaalooyinka London, Bristol, Sheffield, Liverpool iyo Cardiff oo ay u sii gudbayeen. Waxa kale oo uu sheegay in kulanka ugu dambeeyaa uu ka dhacayo London labada May, kaasoo wixii kaalmo ah halkaa la isugu keeni doono.
Intaa ka dib Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed ayaa khudbad aad u faahfaahsan madasha kulanka ka soo jeediyay. Ugu horreynba wuxuu dadweynaha dareensiiyay in fariinta ay wadaan ay tahay mid laga wada warhayo oo la xidhiidha aafada ba’an ee ku habsatay in badan oo ka mid ah dadweynaha reer Somaliland. Wuxuu wasiirku sheegay in dadweynaha reer Somaliland intii karaankooda ah ay dadaaleen oo weliba cibaado iyo duco badan ay sameeyeen sidii Ilaahay uga qaadi lahaa wakhtiga adag ee lagu jiro. Wasiirku waxa uu sheegay in labo arrimood ay ugu muhiimsantahay socdaalka ay ku marayaan waddankan UK.
1. In abaaraha soo noqnoqanaya loo helo qorshe lagaga hortago iyo sidii loo sameyn lahaa keyd biyo ah oo badan, taasoo aan lagu haleyn karin dowladda Somaliland oo keliya ee bal sidoo kale loo baahanyahay tallada iyo taageerada qurbo jooga Somaliland.
2. Iyo arrinka labaad oo ah sidii qurbo joogga UK ay uga qayb qaadan lahaayeen arrinka la xidhiidha xaalada abaareed ee hadda waddanka ka jirta oo u baahan in la iska kaashado.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku dheeraaday oo uu ka waramay waxqabadka xukuumadda muddadaii ama wakhtigii koobnaa ee ay xilka haysay. Wuxuu wax ka tilmaamay hannaanka dowlad wanaaga lagu dhaqaaqay. Wuxuu tusaale u soo qaatay in shaqada xafiisyadu ay bilaabanto toddobada subaxnimo ilaa labada duhurnimo. Wuxuu ka hadlay xisaabtan joogto ah iyo kormeer lagu hayo sida ay u socdaan hawlaha lagu aaminay xukuumadda hadda talada haysa.
Wasiirka Beeraha Dr. Faarax Cilmi Maxamuud Geedoole ayaa isna ka hadlay kaalinta guddiga abaaraha oo uu madaxweyne ku xigeenku ka mid yahay isla markaana ay qabteen hawlo badan intii karaankooda ah. Wasiirku waxa uu sheegay in dowladdu ay mudnaan sare siisay arrimahan abaaraha ilaa haddana ay aad mashquul ugu tahay, waana ta keentay in madaxweyne ku xigeenku uu arrinkan hormood ka yahay. Shaqaalaha dowladda iyo Golayaasha xukuumaduba arrinkan si joogto ah ayay uga qayb qaateen oo bil walba lacag ayaa laga gooyaa. Wasiirku wuxuu intaa raaciyay in xataa iskuuladii carruurtu ay nususaacahooda iska gooyeen oo ay kaalmada abaarta ka qayb qaateen.
Waxa kale oo uu xusay kaalinta ganacsatada Somaliland oo qaar ka mid ahi ay si balaadhan uga qayb qaateen. Wasiirku wuxuu haddalkiisa ku soo gabo-gabeeyay inkastoo qurbo joogu ay markasta ka qayb qaataan hawlaha waddankooda in haddana weli loo baahanyahay inay kaalin mug leh ka ciyaaraan arrimaha adag ee taagan oo Ilaahay iyagana uu ka abaal marin doono.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac ayaa si faahfaahsan oo qoto dheer uga warantay sida ay abaaruhu u saameeyaan dhammaan lixda gobbol ee waddanka, oo ay ku tilmaantay xaalad khatar ah oo wakhtigan xaadirka ah la badbaadinayo dadka oo keliya. Marwo Ilhaan waxay haddalkeeda ku salaysan wixii ay soo aragtey markay gobollada waddanka ee abaaruhu saameeyeen ay booqashada ku mareysay. Bishii Janaayo oo hadda laga joogo saddex bilood ayay dadku ku jireen xaalad khatar ah. Maanta oo la joogo Abriil dhammadkeedii lama sifeyn karo sida ay xaaladu u adagtahay. Tusaale ahaan masaafada u dhaxeysa Burco iyo Ceerigaabo ma jiraan wax keyd biyo ah oo dadku ay ka dhaansan karaan, waana ta keentay in kumanaan qof ay ku habstay biyo la’aan. Wasiiradu waxay haddalkeedii ku gabogabeysay in dowladda Somaliland oo aan weli la aqoonsan aanu dadaalkeedu yareyn, balse waxa keenay socdaalkani ay tahay iyadoo laga maarmi waayay kaalinta qurbo joogga.
Waxaa isna haddal kooban soo jeediyay Maxamed Cabdi oo wasiirada iyo la taliyaha madaxweyne ku xigeenka uga mahadnaqey hawsha adag ee ay ku jiraan isla markaana u sheegay in Gobbolka Greater Manchester intii kariinkiisa ah uu arrinkan xil iska saari doono.
Wasiirada waxa kale oo goobta lagu weydiiyay su’aalo tiro badan oo isla madasha kaga jawaabeen, kuwaasoo taabanayay dhinacyo badan oo kala duwan.
Waxaa barnaamijka lagu soo gabo-gabeeyay oo dadweynihii ka soo qayb galey kulanka ay isla goobta ku magacaabeen guddi si ay jawaab uga bixiyaan kaalmada degdega loogu baahnayahay isla markaana guddigaasi ay gaadhsiiso wefdiga maalinta bisha May ay tahay labada wixii tabaruc dhaqaale ee soo urara. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ayaa duco ku soo gunaanaday kulanka.
Cabdi Saciid
Greater Manchester