SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Dallada SSE oo qabanqaabisay kulan telifoon oo ay marti ku haayeen Wefdiga Somaliland ee beryahan booqashada ku marayay waddanka Ingiriiska.(SATURDAY - 7/May/2011)

Waxa fiidnimadii Jimcaha ee bisha May ay heyd 6/05/2011 ay dallada jaalliyadaha Somaliland ee Yurub(SSE) abaabushay kulan telifoon ah oo ay ka qayb qaateen jaalliyadaha Somaliland ee Yurub iyo qaar ka socdey waddanka Canada iyo Maraykan. Waddamada qurbo joogu xidhiidhka ka soo sameeyeen waxa ka mid ahaa: UK, Holland, Germany, Belgium, France, Finland, Denmark, Norway, Sweden, USA, Canda.

Ajandaha ugu muhiimsan ee kulankani waxay aheyd in wefdigu ay bixiyaan xog-waran la xidhiidha socdaalka ay beryahan ku joogeen waddanka Boqortooyada Ingiriiska iyo inay qurbo jooga dhageystaan aaraadooda la xidhiidha qaabka iyo habka ugu habboon ee looga hor tagi karo abaarahan soo noqnoqonaya ee saameynta xoogga badan ku yeeshay nolosha iyo degganaanshaha dalka iyo dadka reer Somaliland.
Kulankan telifoon waxa marti ku ahaa:

1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland.Sheekh Khaliil C/laahi Axmed
2-Wasiirka Beeraha Somaliland Dr.Faarax Cilmi Maxamud Geedoole
3-Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Marwo. Ilhaan Maxamed Jaamac
4-La taliyaha Madaxweyne ku Xigeenka Mudane.Cismaan Siciid Jaamac .

Marka laga gudbo hordhaca iyo furitaanka barnaamijka waxa ugu horreynba haddal kooban soo jeeddiyay Wasiirka diinta iyo awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed. Wasiirku wuxuu si kooban uga hadlay wakhtigii ay joogeen waddanka Ingiriiska wixii uga suurto galey iyo booqashooyinkii ay ku kala tageen inta badan gobbolada Ingiriiska oo ay kala hadleen xaalada guud iyo ta gaar ahaaneed ee Somaliland iyo sida abaartu u saameysay. Wasiirku wuxuu sheegay in tabaruca ay ku deeqeen ay ka muhiimsaneyd is-barashada iyo xidhiidhka ay la yeesheen qurbo jooga oo noqon doona haddii Ilaahay yidhaa mid joogto ah.
Wasiirku wuxuu haddalka ku soo koobay In abaaraha soo noqnoqanaya loo helo qorshe lagaga hortago iyo sidii loo sameyn lahaa keyd biyo ah oo badan, taasoo aan lagu haleyn karin dowladda Somaliland oo keliya ee bal sidoo kale loo baahanyahay tallada iyo taageerada qurbo jooga Somaliland.
Wasiirka Beeraha Dr. Faarax Cilmi Maxamuud ayaa isna ka hadlay kaalinta muga leh ee dadweynaha reer Somaliland ay ka ciyaareen dhibaatada abaaraha iyo kaalmeynta dadka ay ku habsatay. Wasiirku wuxuu sheegay in xataa ardeydii yaryareyd ee iskuuladu ay nususaacihii iskuulkooda ku deeqayeen taasoo dhiiri gelin siisay in badan oo ka mid ah dadka reer Somaliland. Kaalinta ganacsatada iyo doorka ay ka ciyaareen ayuu xusay wasiirku.

Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa si kooban uga hadashay saameynta ay abaaruhu ku yeesheen nolosha dadka iyo sida loogu baahanyahay in qorshe qoto dheer loogu baahanyahay si loo helo xal wax weyn ka tara dhibaatada abaaraha ee soo noqnoqonaya. Maro Ilhaan waxay sheegtay inaanay jeclayn inay faahfaahin badan gasho balse ay diyaar u tahay dhegysiga aaraada qurbo joogga.

Ugu dambeyntii waxa dhinaca wefdiga haddalo kooban ku soo gunnaanaday warbixintoodii mudane Cismaan Siciid Jaamac oo ka waramay in socdaalka Ingiriiska ay ka dhasheen xidhiidho adag iyo guddiyo joogto ah oo ka kooban gobboladda waddanka Ingiriiska, kuwaasoo dhammaantood si wada jir ah loo wada shaqeyn doono iyadoo la abuurayo khad iyo xidhiidh lagu wada shaqeeyo. Mudane Cismaan waxa uu intaa raaciyay in la furo koontooyin loogu talo galay in wakhtiga mudada dheer iyo wakhtiga gaabanba loo adeegsado ka hortago aafooyinka iyadoo wixii tabaruc ah lagu soo hagaajin karo. Koontooyinku la sameeyay waxay kala yihiin: Dahabshiil: 0263, Qaran: 2130.

Ugu dambeyntii waxay ka qayb galyaashii kulanku ay goobta ka soo jeediyeen su’aalo tiro badan, talooyin iyo haddalo kookooban oo la xidhiidhay kaalinta qurbo jooga.
Talooyinka la soo jeediyay iyo su’aalihii la weydiiyay wefdiga jawaabihii ka soo baxay waxa ka mid ahaa:

1.Talooyinkii goobta laga soo jeeddiyaya waxa ka mid ahaa in la xoojiyo xidhiidh qaabaysan oo joogto oo dhex mara ururada qurbo jooga iyo maamulka ama hay’daha dalka, taasoo in muddo ah aan looga midho dhalin siday aheyd isla markaana hawlo badan oo fuli lahaa ay u qabsoomi waayeen xidhiidhka daciifka ah ee u dhaxeeyay ururada qurbo jooga iyo Somaliland, taasoo wasiiradu ay balan qaadeen inay ka shaqeyn doonaan isla markaana ay xoojin doonaan hay’ada qurbo joogga ee dhowaan la dhisay iyo sidii ay xidhiidh shaqeeya ula yeelan laheyd ururada qurbo joogga.

2.Waxa kale oo goobta laga soo jeeddiyay in ururada qurbo joogu ay adkeeyaan siday uga qayb qaadan lahaayeen sanduuqa loo abuuray arrimah aafooyinka, taasoo haddii si fiican looga shaqeeyo ay dhalan karto taburacaad waxtar weyn u yeesha dalka iyo dadka reer Somaliland. Waxa kale oo goobta laga soo jeeddiyay in munaasabadaha qabsoomaya maalinta 18ka May loo adeegsado sidii tabaruc dhaqaale loogu ururin lahaa sanduuqyadan la furay, maadaama dad badan oo reer Somaliland ahi ay ka soo qayb galayaan munaasabadahan.

3.Waxa kale oo ka mid ahaa tallooyinkii goobta laga soo jeediyay in la abuuro Mac-had ama hay’ad ku takhasusta ururinta daraasaadka, waayo argnimada iyo aqoonta la xidhiidha aafooyinka iyo abaaraha iyadoo casharo iyo waayo aragnimo laga soo qaadanayo waddamada kale ee Afrika ee abaaruhu sannad kasta ku habsadaan, taasoo wax ka tari karta in la helo goob loola noqdo arrimaha u baahan in si fiican loo darso.

4.In loo baahanyahay dad aqoon, karti iyo waayo aragnimo u leh sidii qurbo joogu xidhiidh ula sameyn lahaayeen hay’daha deeqda bixiya ee waddamada ay joogaan ayaa iyadana la soo qaaday si markaa waddankii waxtar iyo xidhiidh loogu sameeyo.

5.Waxa kale oo goobta laga soo jeeddiyay talooyin toos u abaarayay wasiiradda goobta martida ku ahaa. In lagu dadaalo dhisitaanka iyo hirgelinta iskuulo bixiya tabo-bar xirfada ku aadan, maadaama ardey badan oo ka soo baxdey Jaamacadaha waddanku ay shaqo laayihiin, isla markaana loo baahanyahay in laga shaqeeyo in dhallinta soo koreysa loo jiheeyo dhinaca xirfadaha, maadaama taasi ay kordhinayso fursada ay ku shaqeysan karaan.
Waxa kale oo la taabtey in xasiloonida hadda ka jirta Somaliland ay tahay mid fiican oo u baahan in la sii xoojiyo, laakiin dhinaca kale ay dad badan oo ka imanaya waddamada jaarka iyo qurbahaba ay keentay in anshaxu aanu aheyn sidii hore aheyn oo loo baahnyahay feejignaan iyo dadaal badan si waddanku uga nabad galo inay ku baahdo wax diintu xaaraantimaysay.

6.Waxa iyaduna talooyinkii ka mid ahaa in sida adeegyo badan looga dhigey khaas la isku dayo in biyuhuna ay noqdaan khaas (private) si markaa adeegga biyuhu uu u noqdo mid tayo leh, maadaama dowladeenu aanay hadda u heyn kharash ama miisaaniyad.

7.Waxa kale oo la xusay muhimada ay leedahay isku duubnida iyo wada shaqeynta ururada qurbo joogga oo la’aantood aanay suuro gal aheyn in la fuliyo waxyaabaha la soo xusay.

8.In hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa dibada lala xisaabtamo isla markaana la shaandheeyo qaabkooda shaqo ayaa goobta laga xusay iyadoo dhiiri gelin loo soo jeeddiyay qaabka hadda Wasaaradda Qorhseyntu ay wax u wado oo dhukumentiga ay dhowaan soo saareen ee arrintaa ku aadan.

9.Talooyinkii goobta laga soo jeediyay ayaa waxa ka mid ahaa in aan laga xishoon, lana hilmaamin dadka geystay xasuuqa ba’an gaar ahaana tii lagula kacay shicibka wakhtigii halganka isla markaana maalin uun la horkeeno caddaalada.

Ugu dambeyntii waxaa haddalka soo gunnaanadey qabanqaabiyayashii kulanka ee dallada SSE iyagoo u mahadnaqay ka qayb galayaasha kulanka telifoonka isla markaana haddalo sagootis ah u soo jeediyay wefdiga wasiiradda oo Maanta oo Sabtida ah ku laabtay Hargeysa. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil ayaa duco iyo dardaaran ku soo xidhey kulanka.

Banaamijka oo aanu duubnay kala soco. Radiohormuud.dk

Maxamed- Amiin Siyaad Cabdi

Radio Hormuud
Denmark


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development