SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Dallada SSE oo qabanqaabisay kulan telifoon oo lagu qiimaynayay munaasabadihii 18ka May iyo qaabkii looga xusay waddamada Yurub.(WEDNESDAY - 1/June/2011)

Waxa fiidnimadii Isniinta ee bisha May ay heyd 30/05/2011 ay dallada jaalliyadaha Somaliland ee Yurub(SSE) abaabushay kulan telifoon ah oo ay ka qayb qaateen xubno ka socdey jaalliyadaha Somaliland ee Yurub. Waddamada qurbo joogu xidhiidhka ka soo sameeyeen waxa ka mid ahaa: UK, Holland, Germany, Belgium, France, Finland, Denmark, iyo Norway. Waxa aan ka soo qayb gelin oo cudur daar soo sameeyay xubnaha ka socdey waddanka Sweden.
Ujeeddada ugu muhiimsan ee kulankan telifoonka loo qabtey waxay aheyd in lays weydaarsado wixii khibrad iyo macluumaad ah ee laga helay munaasabadaha lagu qabtey waddamada Yurub ee la xidhiidhay 20 guuradii Somaliland.
Ugu horreyntii waxa kulanka furay Guddoomiyaha ururweynaha SSE oo uga mahadnaqay ka qayb galayaasha kulanka telifoonka sida ay iska xil saareen ka soo qayb galka kulanka iyo weliba sida ay u qayb qaateen una soo abaabuleen xafladihii iyo bannaanbaxyadii ka dhacay Yurub, kuwaasoo aad uga duwanaa kuwii la qaban jirey sannadadii ka horreeyay. Xubnihii cudur daarka soo bixiyey ayuu sheegay oo ay ka mid ahaayeen Balayah Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada 18ka May ee UK, Maxamed Maygaag xidhiidhiyaha bannaanbaxa UK iyo Guddoomiyaha dallada jaalliyadaha Somaliland ee Sweden.
Maxamed Amiin (Radio Hormuud) oo daadihinayay barnaamijka ayaa isna dhammaan soo dhoweeyay ka soo qayb galayaasha kulanka. Waddanka Ingiriiska oo ahaa waddankii ay ka dhaceen isu soo baxa ugu balaadhan ee qurbo joog uu ku soo bandigo waddanka dibadiisa ayaa waxa khadka telifoonka ee kulanka uga soo qayb galey Iid Xasan Muuse, Khadar Cali Gaas iyo Axmed Kadleeye. Waxay xuseen in isu soo baxa lagu qabtey London uu ahaa mid aan horre loo arag oo goobtii loogu talo galey ay buuxsantay. Jawiga goobtu muu aheyn mid kalmado kooban lagu sharxi karo. Dadka ka soo qayb galey waxay ahayeen qaar isaga yimid dhamman Gobbolada waddanka. Waxaan si sahlan loo hilmaami doonin jawiga iyo midabada kala duwan ee ay maalintu laheyd. Barnaamijyo aad u kala duwan ayaa goobta ka socdey, maadaama dadku aad u badnaa. Waxa ka soo qayb galey mas’uuliyiin sare oo ka socdey dowladda ama xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Cadaaladda, Wasiirka duulista iyo Hawada, La taliyaha Madaxweynaha ee dhina aqoon raadiska, afhayeenka madaxtooyadda iyo qaar ka mid ah madaxda axsaabta qaranka. Waxa kale oo ka soo qayb galey qaar ka socdey halyayadii ururka SNM. Qaybta bannaanbaxa lagu qabtey London waxa kale oo ka soo qayb galey qaar ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska oo goobta ka soo jeediyay haddalo qiimo badan iyo qaar ka mid saaxiibada Somaliland. Markii la soo gabogabeeyay bannaanbaxa waxa qoraal rasmi ah oo aad u tifaftiran loo gudbiyay xukuumadda Ingiriiska. Munaasabadaha Ingiriiska ka dhacay waxa ka mid ahaa kulan lagu qabtey Savoy Hotel isla habeenimadii kaasoo lagu soo bandhigay doodo iyo aqoon-is-weydaarsi la xidhiidha geedi socodka Somaliland.
Jaamac Muuse Jaamac oo khadka telifoonka ka soo galey waddanka Talyaaniga ayaa si kooban isna ugu hadlay in wixii dalka Ingiriiska lagu soo ban dhigey ay ahaayeen wax aan loo heli karin kalmadaha ku haboon ama wax si sahlan looga sheekeyn karo. Jaamac oo damaashaadkii kala qayb qaatay qurbo jooga Ingiriiska ayaa sheegay in marka laga tago warbixinta ay bixiyeen walaalaha kale ee ka socdey UK ay sidoo kale qabsoontay munaasabad lagu qabtey guriga ama hay’ada Chattam House. Waxa lagu soo ban dhigey buug aad u qiimo badan oo qoraalkiisa ay wax ku lahaayeen qaar ka mid ah saaxiibada Somaliland iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland. Buugga oo magaciisu yahay Somaliland: The way forward waxaa tifaftirey Jaamac Muuse Jaamac. Kulankani wuxuu ahaa mid khaas ah oo ku wajahnaa aqoonyahanka, waxaana ka soo qayb galey ajaanib tiro badan oo run ahaantii aad u xiisaynayay dooda laga yeeshay arrimaha buugga.

Guddiga qabanqaabada ee 18ka May ee Uk waxay sannadkan soo diyaariyeen wax u wajahan qaab gaar ah, waxaana haboon in cashar iyo waayo aragnimo laga qaato. Waxa ka mid ah casharada laga baran karo:
Guddiyada kala duwan ee u hawl galey qabanqaabada, kuwaasoo ku wada shaqeynayay email guud isla markaana wada shaqeyntu ay aheyd mid ku salaysan kala dambeyn, Ixtiraam iyo tanaasul waxyaabaha lagu kala fikrad duwanyahay.
Intaa ka dib waxa la soo dhoweeyay reer Norway oo khadka telifoonka kulanka ay ka soo galeen Maxamed Aden Lilan (wakiilka Somaliland ee Norway), Faadumo Cali Madar oo ah Xooghayaha arrimha dibada ee xisbiga Ucid iyo Fadxiya Cabdillahi Sh. Muuse oo ah Guddoomiye Xigeenka ururka SSE.
Guud ahaan waxay xuseen in wixii ka qabsoomay dalka Norway uu sannadkan aad uga duwanaa sannadihii ka horreeyay isla markaana munaasabadaha la qabtey ay ka qabsoomeen dhowr magaalo oo kala duwan, laakiin tii ugu weyneyd ay aheyd ta Oslo ka dhacdey. Siyaasiyiin ka socda Wasaarada Arrimaha Dibada ayaa ka soo qayb galey, kuwaasoo si mug leh uga waramay hannaanka geedi socodka Somaliland oo qaabka ay ugu waramayeen uu ahaa mid yaab geliyay dadka reer Somaliland ee Norway. Waxay aad ugu dheeraadeen Sida Somaliland ay ugu duwantahay Soomaaliya iyo waxyaabaha badan ee u qabsoomay.Sidoo kale waxyaabihii la qabtey munaasabada 20aad ee Somaliland waxa ka mid ahaa tartan kubadeed oo loo qabtey 16 kooxood oo dhallinyarada Somaliland ee dalka Norway, taasoo aad ay u jeclaysteen dhallinyaradii ka soo qayb galey. Booliiska Norway ayaa aad ugu mahadnaqay dadka reer Somaliland sida xushmada badan ee ay ugu dabaal dageen munaasabada iyadoo haba yaraatee wax shil ahi aanu dhicin.

Waddankii kale ee lagu soo dhoweeyay khadka telifoonka waxa uu ahaa dalka Denmark oo ka socdeen Cabdirisaaq Axmed ibraahim iyo Safiya. Waxay xuseen in wixii Denmarka ka dhacay uu ahaa guul isla markaana uu aad ugu duwanaa sannadihii ka horreeyay. Barnaamijyada lagu soo ban dhigey munaasabada ayaa waxay ahaayeen qaar si heer sare ah loo soo abaabulay isla markaana ay aad uga faa’iideysteen dadkii ka soo qayb galey. Xusuus gaar ah ayay u aheyd dadka reer Denmark munaasabada sannadkan la qabtey, waxayna aheyd mid sii xoojisay midnimada iyo isku duubnida qurbo jooga reer Somaliland ee dalka Denmark.
Jaaliyada Faransiiska waxa kulanka telifoonka uga soo qayb galey Mawliid Ciise oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland, Cabdiraxman Yaasiin oo ah guddomiyii hore iyo Maxamed Xasan. Waxay dhammaantood si mug leh uga warameen munaasabadii jaalliyada Fransiiska oo sannadkan lagu qabtey magaalada Lyon. Dhammaan gobbolada dalka Faransiiska ayaa la isaga yimid si aanu u qaybsano damaashaadka labaatan guuradda. Waxa markasta xusuustayada ku jiri doonta sida gaarka ah ee aanu sannadkan isu abaabulnay iyo dareenka aanu galinay da’ yarta Somaliland ee ku sugan waddankan Faransiiska oo aanu is-leenahay wax badan ayay ka barteen. Waxay xuseen in marar badan oo hore laga xusay munaasabadaha 18ka May laakiin sannadkan si xamaasad leh looga xusay oo qoraal rasmiya laga soo saari doono.
Dalka Holland oo khadka telifoonka ay ka soo galeen Ismaaciil Cawl iyo Dr. Xuseen Cabdillahi ayaa si kooban uga sheekeeyay xuskii lagu qabtey dalka Holland oo gaar ahaana ka dhacay magaalada Utrecht. Munaasabad xus oo keliya may aheyn laakiin waxa sidoo kale la qabtey tartamo kubadeed oo loo qabtey dhallinyarad reer Somaliland ee dalka Holland, taasoo runtii ay aad uga heleen dhallinyaradu isla markaana ay dareensiisay qiimaha gaarka ah ee ay maalintani u leedahay dalka iyo dadka reer Somaliland. Kulankan oo iska kaashadeen ururka Nomad iyo Hooyooyinka reer Somaliland ayaa ahaa mid aad loo soo bilay oo aan ku koobnayn oo keliya dadka reer Somaliland, balse ay ka soo qayb galeen dadyow kale oo ay munaasabadu aad u soo jiidatay. Ururka Nomad oo weligiiba caan ku ahaa qabashada munaasabadaha noocan ayaa sannadkan dhallinyarada soo abaabushay ay ahaayeen kuwii dalka ku dhashay ama iyagoo labo sanno ama saddex jiro ahaan ku yimid. Si xirfadaysan oo heer sare ah ayay u soo abaabuleen isla markaana waxa shahaadooyin sharaf lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah qoysasaka mujaahidiintii halganka u gashey xorreynta dalka oo qaarkood ay shahiideen. Barnaamijka waxa aad loogu xusay taariikhda ay ummada reer Somaliland leedahay iyo waayaha ay soo martay. Kharashkii ka soo baxay munaasabada ayaa waxa uu ahaa mid loogu talo galey in wax lagaga qabto dadka qaba xanuunka dhimirka.

Maxamed Xuseen oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka ayaa isna ka waramay in munaasabado ay ka dhaceen dalka Jarmalka oo ah waddan aad u balaadhan, laakiin tii ugu weynayd ay aheyd ta ka dhacdey magaalada Bonn. Xafladan oo si qaabaysan loo soo abaabulay ayaa sannadkan waxay noo aheyd mid siyaabo badan uga duwan kuwii sannadadii hore la qaban jirey. Xamaasada iyo shucuurta dalka ayaa ahayd mid sifaynteedu aya adagtahay, waxaana nagala soo qayb galey Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen oo goobta ka jeediyaya khudbad qiimo badan.Waxa kale oo nagala soo qayb galey mas’uuliyiin Jarmal oo si gaar ah noogu hambalyeeyay waxyaabaha ay Somaliland qabsatay mudadaa labaatanka sanno ah oo ah wax lagu farxi karo.

Dalka Finland waxa munaasabadoodii ka warbixiyay Xasan Cali Saddexle oo ah Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Finland iyo Xasan Nuur. Xaflad iyo munaasabad qiimo badan ayay aheyd, waxayna si aada ugu duwanayd wixii aanu qaban jirnay sannadihii hore. Waxa aanu si gaara sannadkan u casuunay Wasaarada Arrimaha Dibada iyo xubno ka socda Golaha Deegaanka ee Helsinki. Waxa kale oo marti noogu ahaa Guddoomiyaha Xisbga Ucid Enj. Faysal Cali Waraabe. Dadkii reer Somaliland ee damaashaadka nagala soo qayb galey waxay ahaayeen kuwo si gaar ah isugu hambalyaynayay isla markaana isu dardaarmayay halganka iyo dadaalka qaddiyada gooni isu taaga Somaliland oo ah mid aad ugu baahan hiilka qurbo jooga Somaliland.

Cabdiraxmaan Cige Wacays ayaa isna si kooban uga waramay in Jaalliyada reer Somaliland ee Biljim(ku) ay xafladoodii ku qabsadeen magaalada Brussels taasoo aheyd goob ay aad uga soo qayb galeen dadka reer Somaliland ee Biljim(ka) deggan. Walow aanu tiro ahaan nahay dad aad u kooban marka naloo eego waddamada kale haddana maanu yaraysan oo munaasabadayadu waxay aheyd mid kicisay dareenka iyo shucuurta dadkii ka soo qayb galey oo waayeel iyo dhallinyaraba lahaa.

Ugu dambeyntii Jaalliyada Sweden oo aanay u suuroobin inay khadka telfoonka soo galaan ayaa waxa warbixintoodii oo kooban soo gudbiyay Cabdiraxmaan Cabdillahi oo ay ka codsadeen inuu kulanka ka gaadhsiiyo cudurdaar. Sannadkan dhowr xafladood ama munaasabadood ayaa ka dhacay dalka Sweden, waxaase ugu muhiimsanaa munaasabdii Stockholm iyo bannaanbixii oo markii aanu soo gabogabeynay aanu qoraal rasmi ah u gudbinay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Sweden, kaasoo si sharaf loo guddoomay. Dhammaan munaasbadaha noo qabsoomay waxay ahaayeen qaar aan ku koobnayn dadka reer Somaliland, balse ay nagala soo qayb galeen mas’uuliyiin iyio dad reer Sweden. Jawiga ay xafladuhu ku dhaceen waxay ahaayeen qaar aan si sahlan loo sifeyn karin.
Guud ahaan waxa la isku raacay in dhammaan wixii hawlo ahaa ee la qabtey 18ka May ay ahaayeen qaar ku dhammaaday guul. Waxay tani aad u waadixisay waddaninimada qurbo jooga reer Somaliland iyo sida ay u jecelyihiin dadkooda iyo dalkooda.

Waxay cashar iyo waayo aragnimo u aheyd in badan oo ka mid ah da’ yarta soo korreysa. Waxay muujisay isku xidhnaanshaha iyo isku duubnida dadka reer Somaliland ee qurbaha ku sugan.

Waxay aad u muujisay kaalinta haweenka ama dumarka reer Somaliland oo iyagu barnaamijyada ku lahaa qaybta ugu balaadhan, isla markaana aad uga muuqdey goobaha la isugu yimid,

Qoraalada habaysan iyo xaashiyo warbixineedada ay soo ban dhigeen qaar ka mid ah waddamada ayaa loo arkey in laga barto cashar aanay tahay waxyaabaha ugu sahlan ee lagula xidhiidhi karo dadka aynu la degganahay.

Gunnaanadkii barnaamijka ayaa Guddoomiyaha ururka SSE uu ka codsadey ka soo qayb galayaasha kulanka sida ay u arkaan ajandaha labaad ee kulanka in la wadi karo iyo in kale. Dood gaaban dabadeed waxa la isku afgartey in ajandaha labaad kulan gaar ah loo qabto isla markaana wakhtigiisa la siiyo, lana eego haddii laga soo casuumi karo qof ka socda xukuumadda. Ajandahan oo ahaa dareenka ay ka bixiyeen qubo jooga Somaliland siyaasadda arrimaha dibada iyo dariiqa cusub ee ay hadda qaaday.
Dardaaran iyo duco ayaa lagu soo gabogabeeyay kulanka.

Maxamed Amiin
Radio Hormuud


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development