Guddoomiye ku xigeenka dalladda ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland ( SONSAF ) Md.Hassan Bulbul ayaa shir kula yeeshay Magaalada London ururada qurbajoogga reer Somaliland ee Yurub . Shirkaas oo ujeedadiisu ahayd xog-wareysi xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalkii ku sugan yahay iyo doorka ay ka ciyaari karaan ururada bulshadu ; waxaa hadal soo dhaweyna ku furay Md. Mohamed Baashe oo ka mida madaxda ururka SSE oo ah dalladda guud ee ay ku bahoobeen ururada reer Somaliland ee yurub , waxaanu si kooban uga waramay qaybta weyn ee ururada qurbajooggu ay kaga jiraan horumarka iyo ictiraaf u raadinta dalka. Waxaana hadalkiisii ka mid ahaa " ururka SSE wuxuu ku guulaystay inuu abuuro isku xidh iyo wada shaqayn dhex marta dhammaan ururada reer Somaliland ee yurub oo ka kooban 45 urur.
kadib waxaa halkaa ka hadlay Eid Cali Salaan guddoomiyihii hore ee ururka SSE haddana u qaabilsan ururka SSE xagga horumarka . Md. Eid wuxuu ka waramay guushii weynayd ee ay keentay wada shaqayntii ururada reer Somaliland ee Yurub intii lagu jiray abaabulkii xuskii iyo dabaaldeggii 20 guuradii qaranimada Somaliland 2011 , waxaanu yidhi " waad la socoteen sidii cajiibka ahayd ee ummadda Somaliland ugu dabaaldegtay 18-kii May ee sannadka Yurub. Waxay ahayd runtii wax lagu faani karo . Waxaanu dhiiri galinay dhammaan ummadda Somaliland dal iyo dibadba , taana waxaa sabab u ahaa maskaxdii iyo muruqii ururada Somaliland oo aan meel iskugu keenay , waana mid wax wanaagsan laga baran karo.
kadib waxaa halkaa iyaguna hadalo kooban ka soo jeediyey madaxdii kale ee ka socotay ururada iyo qurbajoogga reer Somaliland oo ka waramay guushii ay soo hoysay wada shaqayntii ururada reer Somaliland intii lagu jiray abaabulkii xuskii iyo dabaaldeggii 20 guuradii qarannimada Somaliland 2011 iyo waxyaalihii la qabtay.
Ka dib waxaa halkaa ka hadlay Md. Xasan bulbul guddoomiye ku xigeenka dalladda ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF ) waxaanu ka waramay kaalinta weyn ee ay kaga jiraan kobcinta horumarka bulshada Somaliland , waxaanu faalo dheer ka bixiyey ujeedada ka danbaysa ka qayb qaadashada ay ka qayb qaataan shirarka caalamiga ah ee UN-ta iyo deeq bixiyayaashu ay qabtaan , waxaanu yidhi " waan ognahay Somaliland maanta maaha dal la aqoonsaday , deeq kasta oo Caalamku bixiyaa waxay marka hore ku soo baxdaa waddankii la odhan jiray Somalia , suaashu waxaa weeye , ma waxaan nidhaa deeqdaasi mar hadday ku soo baxday magaca Somalia dooni mayno , mise wixii dadkeenu xaqa uu u yeeshay waan u soo dhicinnaa ? . Sidaa daraadeed ayey marmarka qaarkood na kaliftaa in aanu uga qayb gallo shirarka qaarkood wixii aan siyaasad dabada ku hayn si aanu ugu soo dhicinno wixii ummaddeenu xaqa u yeelatay si loogu kabo waxbarashada, caafimaadka. waayo anagu ma nihin urur siyaasaseed, waxaanu ka shaqaynaa horumarka dadkeena , halkii danta ummaddeenu ku jirtana waan geliynaa.Tusaale shirkii Wilton Park ee Ingiriiska waa lanagu soo casuumay waanu diidnay in aanu ka soo qayb galo dawladdeenana waanu uga dignay in aanay ka qayb gelin , waayo waxaanu ogaaney inuu arimaha Somalia dabada ku hayo.
Kadib waxaa halkaa haddal kooban ka soo jeediyey Sucaad Carmiye guddoomiyaha ururka SSUK iyo Lulu Farax guddoomiyaha ururka u dooda danaha iyo Ictiraafka Somaliland SIRAG UK , waxaannay ka hadleen sida ay muhiimka u tahay in Somaliland taxadir weyn ay uga samayso ka qayb galka shirarka Caalamku kaga hadlayo danaha Somalia. kadib waxaa suaalo layska weydiiyey inay muhiim tahayba inay Somaliland ka qayb gasho shirarkaa salka ku haya arimaha Somalia . Waxaa kale oo laga dooday in ay muhiim tahay in si cad ummadda Somaliland uga wada tashato danaha guud ee dalka ee ku wajahan siyaasadda Arimaha dibadda ee Somaliland .
Shirkaas oo ahaa mid si fiican loo soo abaabulay waxaa la go'aansaday in bisha September 2011 ururada reer Somalilland ee Ingiriisku shir danbe iskugu soo noqdaan si looga midha dhaliyo arimhii shirkan laga xaajooday.
Axmed kadleye
Ahmed-kadleye@live.co.uk