Munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhawaynayay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Zamzam Cabdi Aadan, ayaa lagu qabtay Restaurant Food Palace ee Galbeedka London. Waxa xafladdaasi oo ay abaabulkeeda iska kaashadeen ururka Somaliland Society UK (SSUK) iyo ururka Somaliland Society Europe (SSE) waxa ka soo qayn galay marti-sharaf ay ku jiraan safiirka Somailand u fadhiya dalka Malaysia, Md. Cabdirizaaq Maxamed iyo Md. Aziz bin Mustafa oo dawladda Somaliland uga wakiil ah waddanka Malaysia. Waxa kaloo ka soo galay xubno matalay labada urur iyo qaar ka mid ah dadka sida aadka ah ugu ololeeya qaddiyada Somaliland eek u dhaqan dalkan Britain.
Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ugu horeyntii ereyo kooban oo soo dhawayn ah halkaasi ka soo jeediyay Axmed-Wali Good oo wasiirka u sheegay in dadka maanta hor fadhiyaa ay yihiin haldoorkii Jaalliyada Somaliland ee magaalada London iyo hareeraheeda ku noolaa, kuwaasi oo had iyo jeer dedaal ugu jira sidii ay qayb lixaad leh uga qaadan lahaayeen horumarka dadkooda iyo dalkooda.
Guddoomiyaha ururka Jimciyada SSUK Sucaaad Yuusuf Odawa ,ayaa iyana waxay wasiirka siisay warbixin kooban oo ay kaga warramayso taariikhda iyo waxqabadka urur jaaliyadeedka SSUK, iyadoo iftiimisay qorshayaasha ururka ee ku wajahan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen qurba jooga reer Somaliland horumarinta dalka iyo dadka reer Somaliland.
Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka mid ah guddida fulinta ee Dallada Somaliland Society Europe (SSE) oo isna halkaasi ereyo kooban ka soo jeediayay. Waxa uu Md Baashe ka waramay hawlaha ururka xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland ee Yurub qabto. Waxaanu Wasiirka Waxabarashada ku ammaanay shaqada badan ee ay qabateen wasaarad ahaan, isagoo xusey in Wasaarada Waxbarashada ee Marwo Zamzam madaxda ka tahay Wasaaradaha aad loogu faraxsan yahay waxqabadkooda.
Ugaas Haaruun oo ka mid ah madax dhaqameedyada Somaliland ayaa waxa uu isna xukuumada madaxweyne talada haysa ee uu madada ka yahay Mudane Amed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku ammaanay in ay jaalliyada reer Somaliland ee qurbajooga ah u suurtagaliyeen in ay daawadaan Telefiishanka Qaranka ee JSL, isagoo sheegay in TV-ga qaranku meesha ka saaray warar been badan oo saxaafaddu baahin jirtay. Ugaasku waxa uu intaasi ku daray in dhawaan Ugaaska beelaha galbeedka Somaliland ee dhawaan la soo caleema saaray booqasho ku tagi doono magaalada Boorama.
Intaa ka dibna waxa hadalkii la wareegtay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Zamzam oo si qoto dheer uga warrantay waxqabadkii Wasaaradda Waxbarshada ee muddadii xilka ay haysay iyo caqabadihii ka hor yimid wasaarad ahaan, iyadoo sheegtay in Wasaaraddu tahay meelaha dhibta ugu badan ee wax is-daba-weydaarintu ka jirtay oo ay dhib badan kale kulmeen sidii isbedel loogu samayn lahaa. Wasiirka oo faahfaahin arrintaasi ka bixinaysaana waxay tidhi “ Waxa jiray shaqaale badan oo Wasaaradda u qornaa, mushaharna qaadan jiray, hase yeeshee aan shaqayn jirin oo lacagta iska qaadan jiray. Waxa jiray tuulooyinka iyo degmooyinka qaar macallimiin ku qornaayeen ayaanay dusgiyada ciddiba dhigan jirin halka kuwo kalena meelo aan dugsiyoba ka jirin macallimiin mushahar ku qaadan jirtay”. Waxaanay intaasi ku dartay in manhajka waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo waliba kormeerida guud ee waxbarashada dhib badan ka taagnayd , inkastoo bay tidhi ay wax badan iminka ka qabteen. Wasiirka waxay tilmaantay in dusgiyada gaarka loo leeyahay dhinaca tirada ardayda ee fasalka dhigataa ay aad u badan tahay oo ay macallinka ku adag tahay inuu 100 arday amma in ku dhow fasal wax ugu dhigo. Waxa kale oo ay ka warrantay isbedelkaasi Wasaraadda ay dad qaar isku dayeen in doc faruureen iyagoo imtixaanadii sannadkan la isku dayay in lagu xajiimeeyo Wasaaradda maaddaama wax is-daba-marintii hore ee jirtay meesha laga saaray. Waxaanay intaa ku dartay in inay dhibaato adag kala kulmeen sidii ay u sixi lahaayeen gurraca qotoda dheer ee naafeeyay wax-qabadka Wasaadarra. Iyadoo arrinkaa ka hadlaysana waxay tidhi 'aad bay u adag tahay in bani aadamku marka wax caadaystaan, qaladba ha aadee, aanay jecleen in laga beddelo walow wax loo hagaajinayo, inkastoo bay tidhi dadkeenu ay yihiin dad ahaan kuwo wanaagsan'.
Marwo Zamzam waxay sheegtay in Wasaaradd ahaan ay u qabsoomeen waxyaabo badan iyadoo xustay in macalinmiintii iyo shaqaalihiiba lacagtii loo kordhiyay, isla markaana dusgiyadii dowladda laga dhigay kuwo bilaasha. Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay 2,333 macallin ay Wasaaraddu shaqaalaysiisay, halka illaa 200 boqol oo dusgina la dhisay. Waxa kale oo jirtay bay tidhi tiro badan oo arday ah oo heshay deeq waxbarasho oo dibadda ah. Wasiirka oo hadalkeeda sii wadataana waxay tidhi “ Waxaanu Wasaaradda ku soo kordhinay agaasimaha waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo komishankii tacliinta sare oo aanu dhamaystirnay intii dhawaan”.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxa ay sharaxaad ka bixisay qaabka ay wax uga baddaleen dhinaca tababarada iyo tayaynta maamulka iyagoo ku guuleystay in ay siyaasada iyo nidaam la raaco ay yeelato waxbarashada dalkeenu. Intaasi ka dib waxa ay ka qayb galayaashii wasiirka weydiiyeen Wasiirka su’aalo badiba la xidhiidhay dhinaca waxbarashada iyo tayayteena.
Wakiilka Somaliland ee dalka Maleeshiya Cabdirisaaq Maxamed oo madasha shirka lagu soo casuumay waxa uu ka warramay waxbarashada ardayda reer Somaliland ee Maleeshiya ku dhaqan , kuwaasi oo tiradoodu gaadhayso 200 oo arday, waxaanu caddeeyay in dowladda Maleeshiya aqbashay in dalkeeda lagu soo galo baasaaboorka Somaliland. Md Aziz Bani Mutafe oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee Maleeshiya ayaa isna waxa uu sheegay in dowladda Maleeshiya gacan ka gaysanayso waxbarashada Somaliland oo ay deeq waxbarasho siiso Somaliland.
Gudoomiye-xigeenka SSUK Cabdirahmaan Aleel ayaa ka waramay oo isbarbardhig ku sameeyay banhajyada waxbarashada ee Somaliland UK, waxaanu halkaasi Wasiirka guddoonsiiyay dokumanti xambaarsan manhajka Waxbarashada UK. Waxa iyaguna madasha ka hadlkay Eng. Maxamed Balayax, guddoomiyaha ururka haweenka Somaliland ee SALWA Caasha Xuseen Maraykan iyo Maxamed Meygaag.
Kulankan oo ahaa mid si laab xaadhaan ay Wasiirku ugu warrantay jaalliyada , ayaa la odhan karaa wuxuu ahaa mid ay si aad iyo aad ah ugu bogeen dadkii kasoo qayb galay guud ahaanba, waxaanay ku tilmaameen in Wasiirka Waxbarashadu ay tahay Wasiirkii ugu horeeyay ee reer Somaliland ah ee jaaliyadda warbixin noocan oo kale ah siiya abid.
Dhanka kalena waxa ay ka qayb galayaashu si aada ugu riyaaqeen TV-qaranka JSL oo kullankii u horeeyay kale qayb qaata jaalliyada reer UK, tan iyo intii uu soo gaadhay qaarada Yurub
Nabad iyo Caano
Muhamed Hassan Ali
London (UK)