SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Ururada Jaalliyada Somaliland ee UK oo Wada tashi ka yeeshay doorka NGO iyo Siyaasada arrimaha dibedda ee Somaliland (FRIDAY - 23/September/2011)

Taariikh:22/09/2011
Summad: 19221092011

Kulan muhiima ah oo ay yeesheen ururrada jaaliyadda Somaliland ee UK, aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah dadka u ololeeya qaddiyada Somaliland, ayaa lagu qabtay xarunta ururka Jaaliyadda Somaliland ee West London Somaliland Community maalintii Sabtida ee ay taariikhdu aheyd 10ka September 2011.
Kulankan oo ay si wada jira ah u soo qabanqaabiyeen ururrada Somaliland Society in Europe (SSE) iyo Somaliland Society UK (SSUK), waxa si aada loogu falanqeeyay ama lafagurey qodobbo xasaasi ah oo la xidhiidha doorka ururrada aan dowliga ahayn iyo NGO Somaliland ka hawlgalaa ay ku yeelan karaan arrimaha bulshada, dhaqaalaha,horumarka,nabadgalyad, siyaasadda Somaliland iyo waliba qaabka ugu habboon ee qurbajooga reer Somaliland ay wada shaqeyn iyo xidhiidh wax-ku-ool ah ay ula yeelan lahaayeen.
Kullankan waxa ugu horreyntiiba laga akhriyay warbixino guud iyo qaar gaar ahaaneed oo la xidhiidha ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo kuwo caalamiga ah ee ka shaqeeya guddaha dalka. Waxa kale oo lagu soo bandhigay daraasado la xidhiidha aqoonsiga raagay ee Somaliland iyo caqabadaha hortaagan. Sidoo kale waxa ay ka qayb galayaashii shirkani ay si cilmiyeysan oo qoddobeysan uga doodeen Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Somaliland guud ahaan, iyagoo si gaara ugu dheeraaday qaabka ugu habboon ee looga midho dhalin karo aqoonsi buuxa oo Somaliland hesho. Waxa sidoo kale lagaga hadley doorka qurbojooga Somaliland ay ka geli karaan arrinkan, iyagoo wada shaqeyn iyo xidhiidh kale yeelanaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Waxa soo dhoweyn iyo garawshiiyo laga bixiyay dhammaan wixii dadaalo iyo derder gelin ah ee la xidhiidha ka midho dhallinta qaddiyada Somaliland, hase yeeshee ka qayb galayaasha shirkani waxa kale oo ay ka doodeen saamaynta ay ku yeelan karaan ka qayb qaadashada kulamada ay fadhiyaan mas'uuliyiin matalaya dowladda ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedadda Soomaaliya oo haddii aan taxadar iyo feejignaan dheeri ah laga sameyn khatarteeda yeelan karta.
Xubnihii shirka ka soo qaybgalay waxa kale oo ay walaac badan ka muujiyeen dhaqdhaqaaqyada Somaliland diidnimada ah ee Qaramada Midoobey ay dabada ka riixayaan ee ay wadaan qaar ka mid ah NGO caalamiga ah. Waxa la isla gartay in ururrada ay kuwa Qaramada Midoobay hor moodka ka yihiin oo aan siyaasad ahaan aqoonsanayn gooni isku taagga Somaliland ku kallifaan ururrada samafalka ee Somaliland inay ka qayb galaan shirarka wax loogu qaybinayo Soomalida ee siyaadadaysan.
Waxa tallo ahaan la soo jeediyay in ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland ay ka diktoonaadaan ka qaybgalka fagaarayaasha siyaasadaysan ee lagu bixiyo deeqaha loogu talo galay Soomaaliya. Su'aashasi oo si aad ah la isula lafo guray ayaa ahayd in ururro badan oo ka hawl gala Somaliland oo maxalli ahi aanay arrintaasi ku baraarugsanayn, qaar kalena iyagoo ku andacoonaya inaanay dawli ahayn ay lugta la galaan arrimo wiiqi kara qaranimada Somaliland .
Ka so qayb galayaasha kullankani waxay sidoo kale xukuumaada iyo golayaasha qaranka ku guubaabiyeen in la qiimeeyo oo dib u eegis lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo la dejinayo istaraatijiyad ama tab la jaanqaada isbedeladda xawliga leh ee ka socda caalamka. Waxa la isla gartay in loo baahan yahay ka digtoonaanshaha halista ku jirta siyaasad aan laga fiirsan marka ay timaado xuquuqda Somaliland ay u leedahay inay qaybteeda xuquuqeed ka hesho beesha caalamka marka la eegayo wax la qaybsiga Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ka jira, taasoo wiiqi karta maqaamka Somaliland. Waxaanay ururrada jaaliyaddu taageersan yihiin shirkii madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay ee lagaga wada arrinsanayo qaddiyada aqoonsiga Somaliland.
Qurbajooga reer Somaliland waxa ka qaybgalayaasha shirku ugu baaqeen in si wadajira loogu wada hawlgalo oo derder la galiyo ictiraaf raadinta Somaliland, si taasi u noqoto mid guuleysatana waxa la isla gartay in la sameeyo sanduuq caalami ah oo lagu maalgaliyo aqoonsi raadiska Somaliland .
Shirkan oo lagaga wada hadlay qoddobo badan oo dalka iyo dadka reer Somalilandba u dana waxa lagu go’aamiyay in guddiyo hawsha derdergaliya la soo dhiso. Talooyinka iyo afkaartii wax ku oolka ahayd ee ka soo baxdayna loo gudbiyo hay’addaha ay khuseyso iyadoo sidii loo muujiyey ama loo dhigey loogu gudbinayo talo ahaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq.


SSE is a network organization for Somaliland Diaspora organizations from across Europe. Drawing on the Diaspora resources and expertise, SSE aims to contribute to the cultural, economic and social development in Somaliland.


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development