SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

SSE Baaq Hambalyada Ciida Fidriga(SUNDAY - 19/August/2012)


Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinayaa munaasabada Ciida fidriga oo ku began maalinta Axada ee 19ka bisha August 2012.
Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciidayaan nabadgelyo isla markaana farxada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xasilooni iyo deganaansho. Mar labaadka waxa aanu qurbo joog ahaan idiinka boogaadinaynaa shicib ahaan iyo xukuumad ahaanba sida aad heeganka ugu tihiin ilaalinta nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxa ururweynaha SSE idiinku boogaadinayaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn.
Waxaanu idiin soo gudbinaynaa hambalyo diiran oo aanu idin leenahay farxad iyo qalbi furan ku ciida. Munaasabada ciidan Adxada ayaynu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayno jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaa uu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheliyo.Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu Ciida dambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad, barwaaqo iyo Somaliland oo aqoonsi ka hesha bulshada caalamka.
Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa in Ilaahay inagu manaystay dal ay tahay inaynu ku faro-adeygno qaranimadiisa iyo dowladnimadiisa.Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu inaga yeelo kuwo fahmo nicmada la ina siiyay isla markaana adkeysta xornimda iyo dadnimada oo ah waxa ugu qaalisan ee u baahan in la ilaaliyo inta la noolyahayUrur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula dardaarmayaa in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta guud. Hannaanka geedi socodka Somaliland wuxuu weli marayaa marin dhib badan oo ka gudubkiisu u baahanyahay isku duubni, adkeysi, dulqaad iyo shaqo ku salaysan xirfad iyo hawlkarnimo. Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.
Gudida Fullinta SSE

Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development