SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

SSE: BAAQ TAAGEERO AH Ujeeddo: Taageerid Mowqifka Golaha Guurtida ee ku Aaddan Madax Dhaqameedka Somalia.(WEDNESDAY - 12/September/2012)

Inkasta oo aan aad loo shaacin waxa dhawaan Jamhuuriyadda Somaliland yimid wafti isugu jira qolyo ka socda Dawlada Finland iyo oday dhaqameed ka socda waddanka aynu dariska nahay ee Soomaaliya. Waftiga oo uu ururkaa Finland ka socdaa gadh wadeen u ahaa waxay dalbadeen inay la kulmaan Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland. Ujeeddada safarka weftigaasi isku dhafan may caddayn. Waxase markii dambe soo baxday inay u socdeen inay madax dhaqameedka Soomaaliya ka socdaa cashar ka bartaan Golaha Guurtida Somaliland.
Waxa xubnihii Golaha Guurtida ee la kulantay weftigaasi ka biyo diideen in weftigaasi ay ku jiraan oday dhaqameedyo ka socda dalka Somalia oo aan oggolayn qarannimada iyo gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay xubnaha Golaha Guurtidu weftigii ku wer geliyeen inaanay oday dhawameedyada Soomaaliya waxba la wadaagayn inta waddankaasi sheeganayo inay Jamhuuriyadda Somaliland qayb iyada ka mid ah tahay.
Dallada Somaliland Societies in Europe (SSE) waxaannu si wada jiir ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayna Golaha Guurtida ee sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu ugu hambalyaynaynaa mowqifka geesinimadda iyo waddaniyaddu ku dheehan tahay ee ay arrimaha Somaliya iska taageen.
Waxaa kaloon ugu hambalyaynaynaa Golaha Guurtida inay ogaadeen dabinnada Beesha Caalamka badhkood ay u maaleegayaan qaddiyada jiritaanka, madaxbannaanida, iyo midnimada ummadda ku dhaqan Somaliland. Golaha Guurtidu wuxuu laf dhabar u yahay qarannimada Jamhuriyadda Somaliland.

Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,
Gudida Fulinta SSE


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development