SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Baaq Cambaarayn iyo Codsi ah(WEDNESDAY - 19/September/2012)


Réf: SSE/Fr- b020
Sida aan saxaafadda kala soconnay waxaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal lagu xidhay bishan Sibtember 13dii 2012 labada suxufi ee Haashim Sheekh Cumar Good iyo Wariye Mursal kuwaas oo xadhigoodu la xidhiidhinayo mihnaddooda shaqo, gaar ahaan warar ay halkaas ka soo tabiyeen.
Ururka SSE waxa uu marka hore cambaaraynayaa xadhiga caadada laga dhigtay ee sida is daba joogga ah loogula kaco suxufiyiinta Somaliland. Annaga oo dhanka kalena u soo jeedinayna suxufiyiinta inay masuuliyadda mihnad ahaaneed iyo midda qaran ahaaneedba ilaaliyaan, waxa haddana lama huraan ah in ay dimuuqraaddiyadda ku jirto in safaafadda madaxa bannaan aan la cabbudhin.
Waxaannu u cuskanaynaa cambaaraytayada in xadhigga suxufiyiintan la fuliyey iyada oo aan maxkamad sharci ah aan la hor keenin, dembiga lagu eedaynayana aan weli lagi soo oogin. Taasina waxay xad gudub ku tahay xuquuqda ay muwaaddiniintaasi leeyihiin.
Ururka SSE waxa uu ka codsanayaa masuuliyiinta xukumadda Somaliland gaar ahaan laamaha garsoorka iyo caddaaladda in in muwaaddiniinta aan sida sharciga waafaqsanayn ugu xidhan xorriyaddooda loo soo celiyo. Waxa kale oo uu ururka SSE ku baaqayaa in la dhowro xuquuqda muwaaddiniinta dhammaan, gaar ahaan tan suxufiyiinta oo qayb weyn ka ciyaara kobcinta dimuuqraaddiyadda.

Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,

Guddiga Fulinta SSE





Ururka SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development