Innaa Lilaahu wa Innaa Ilayhu Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magaca guddiga dallada SSE iyo ka dhammaan xubnaha Dallada SSE ee dalalka Yurub ayaa waxa aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan dadka reer Somaliland iyo inta ku hadasha Afka Soomaaliga oo uu ka baxay Abwaan tiirar adag u ahaa kobcinta iyo horumarinka suugaanta Afka Soomaaliga. Si gaara waxa aan tacsi ugu darayaa qoyskii iyo qaraabada uu ka baxay.
Waa xaq oo waa wax ina wada sugaya, laakiin geerida naxdinta leh ee ku timid Abwaanka waa mid si toosa inoo wada taabatay iyada oo aynu ku xasuusanayno waxyaabo badan oo uu Abwaanku ku kordhiyay ummada intii uu hana-qaadey. Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu kaalin weyn oo lama ilaawaan ah ku lahaa halgankii loo soo galey xorreynta dalka iyo dadka reer Somaliland, isaga oo ku sifoobey u dagaalanka caddaalada iyo necbaanshaha in dadka xuquuqdooda la duudsiiyo.
Abwaan Gaarriye waxaynu si fiican ugu xasuusanaynaa kaalintii lama ilaawaanka ahaa ee uu ka galey isu-soo dhoweynta beelaha reer Somaliland markii waddanka lagu soo laabtey, taasoo dadaal iyo dhaqdhaqaaq badan uu geliyay, suugaantiisa quruxda badana uu wax badan inooga iftiimiyey sida ay mahuraan u tahay in bulshada reer Somaliland ay nabad ku wada noolaato.
Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye waxay dhallinta da’da yar ee Reer Somaliland ku xasuusan doonaan inuu u noqdey Macallin iyo barbaariye mar ay aad ugu baahnaayeen taasoo uu Jaamacada waddanka wax ka dhigayay, gaar ahaan Jaamacada Camuud ee Borama iyo Jaamacada Hargeysa.
Suugaan badan oo dhaxal gal ah oo weliba la jecelyahay ayuu uga tagey dhammaan inta ku haddasha Afka Soomaaliga oo haddii Ilaahay yidhaa jiilasha mustaqbalku ay u aayi doonaan. Badankeenu waxaynu markhaati ka nahay hibada Ilaahay u siiyey inuu si sahlan u gudbiyo waxa uu banii’aadamka u sheegayo ha noqdaan Soomaali amaba Ajaanib.
Ilaahay ayaynu uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo isla markaana samir iyo iimaan inaga wada siiyo.
Abdourahman Yaasiin
Guddoomiyaha Dallada SSE