SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Baaq Sannaddeed iyo Hoga Tusaalayn: Maxaa Dhacay, Maxayse Tahay inaan ka Baranno? 01.01.2013(TUESDAY - 1/January/2013)


Sannad waliba hoodiyo, hawl iyo dhibaatiyo, wuxuu haddimo leeyahay, waa laga helaayoo, hadhow lagu xusuutaa, kii noo hagaagee noqo loo hanweyn yahay (Aamiin)
Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan dadka reer Somaliland ugu horreyn idin leeyahay sannad wacan oo wanaagsan haddii aad dalka ku sugantihiin iyo haddii aad dibada ku nooshihiinba. Ilaahay ayaynu ka rajaynaynaa inuu wakhtigaa wakhtigiisa inagu wada gaadhsiiyo caafimaad taam ah iyo cibaado toosan (Aamiin).
Qormadan laguma soo koobi karo dhacdooyinka u baahan in la xuso ee sannadka 2012(kii), laakiin waxa aan la hilmaami karin dhacdo taariikhda sooyaalka Somaliland u yeeshay calaamad taban uu suulinteedu u baahantahay shaqo dheeraad ah oo ku salaysan wada-shaqeyn laga daacadyahay, si wadar ahaan loo saxo tabashooyinka jira:
• Khilaafka ka dhashay natiijadii ka soo baxdey doorashada Golayaash Deegaanka.
• Dhimashada iyo dhaawaca ku yimid qaar ka mid dhallaanka iyo dhallinta reer Somaliland ee ka dhiidhiyay wax is daba marinta.
• Qaabka Komishanku Qaranku u maareeyay doorashada oo sababay jaahwareer iyo qas isla markaana dhaawacay kalsoonidii xisbiyada iyo ururada ku tartamayay doorashada iyo sumcaddi aynu caalamka ku lahayn.
Waxa aan la hilmaami karin in markii u horreysay dhawaqyo aad isu-burinayay uu ka soo yeedhayay qaar ka mid ah mas’uuliyiinteena tartanku ka dhaxeeyay, kuwaasoo toos ugu dhacayay dhegaha cadwoga Somaliland. Waxa nasiib darro ah in haddalada la isu-marinayay aaladaha warbaahinta inay ahaayeen qaar aad u dhaawacayay karaamada aynu in badan ku faanaynay isla markaana sharaf dhac ku noqdey qaranimada iyo dadnimada dalka iyo dadka reer Somaliland oo run ahaantii aanay arrimahaasu u cuntamin marka loo eego waxyaabaha aynu hore u kasbanay.
Tartanka doorashada Golayaasha Deegaanka ee sannadka 2012, waxa Dallada SSE ay ku xasuusanaysaa sida sicir bararku ugu dhacay beelaysiga aan loo meel dayin, kaasoo dhan ka ah ujeeddooyinka aynu u aasaasnay axsaabta iyo ururada oo ujeedadoodu aheyd in jiilka mustaqbalku uu kaga gudbo ta reeraysiga. Waa wax laga naxo in dib looga dhaco halkii la marayay sannadkii 2001 oo aheyd markii u horreysay ee Somaliland laga hirgelayo axsaabta siyaasadda.
Waxa xusid mudan oo Dallada SSE ay baaqan ku muujinaysaa sida degdegu ku jiro oo iyada oo aan natiijadii kama dambeysta aheyd aanu Komishanku ku dhawaaqin ay Gobbolada Somaliland qaar ka mid ahi inta xubnaha Golayaashii la doortey isku yimaadeen ay doorteen Mayor(ka), ku xigeenkiisa iyo xubnaha kale ee maamul. Yaab iyo amakaag ayay Dallada ku noqotay in aan la sugin inta si rasmiya loo soo gudbinayo natiijada rasmiga ah ee guud, taasoo muujinaysay kala daadsanaanta hay’adaha ay arrimahani khuseeyaan.
Maxaynu ka baranay sannadkii 2012, maxayse Dallada SSE talo ahaan soo jeedinaysaa:
• Maadaama doorashooyin kale innagu soo fool leeyihiin waxay Dalladu codsanaysaa in guddi aqoon hufan oo dhexdgexaad ah loo saaro si ay baadhis xeel dheer ugu soo sameeyaan dhammaan khaladaadkii iyo khilaafaadkii ka dhashay doorashada Golayaasha Deegaanka oo dhimasho, dhaawac iyo kalsooni darro weyn keentay, si loo helo damaanada in aan markale lagu dagmin in lagu dhaco godkan oo kale. Waa muhiim in la soo saaro warbixin si cad u qayaxaysa waxa sababay khilaafka iyo khaladaadka dhacay si mustaqbalka ay ugu noqoto khibrad komishanada mustaqbalka imanaya.

• Dallada SSE waxay Xukuumadda, Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta si xushmadi ku jirto uga codsanayaan inay qiimeeyaan Komishanka hadda jooga mas’uuliyada uu ku leeyahay dhacdooyinka taban ee doorashada Golayaasha Deegaanka si markaa loo miisaamo inay sii hanan karaan xilka ay hadda ummada u hayaan.

• Dallada SSE waxa ay muhiim u aragtaa in wacyigelin dheeri ah la geliyo khatarta ka imanaysa in beelaysigu ka miisaan cuslaado Qaranimada, Hay’adaha Dowliga ah ee aynu abuurney 21kii sanno ee u dambeeyay iyo weliba Axsaabta Siyaasadeed ee aynu abuurney in lagu tartamo. Qaran iyo Qabiil meel meel ma wada galaan, waana mahuraan in xukuumdu ay abuurto imkaaniyaadkii ay arrinkan ku xoojin laheyd, iyada oo lala imanayo afcaal iyo qool wada socda oo masaladan khatarta ah ee reeraysiga lagaga hortagayo ama saameynteeda taban lagu xakameyn karo.

• Dallada SSE waxay kale oo ay xukuumadda u soo jeedinaysaa in la xoojiyo is-kaashiga ka dhexeeya dhammaan gobbolada Somaliland, waxaana lagu xoojin karaa tusaale ahaan in la is-weydaarsho Guddoomiyayaasha Gobbolada (Badhasaabada) maadaama ay xukuumadu tahay ta magacowda si looga baxo hab-dhaqanka bulsho magaalo wada deggan oo ku salaysan in reer hebel mayor(ka) la siiyo reer hebelna badhasaabka. Kama bixi karno hab-dhaqanada noocan ah haddii aan lala iman hab isbedal bulsho oo aasaaska ku haya hab fikir bulsho oo wax ku doorato kartida iyo anshaxa qofka

• Waxa xusid mudan in la badiyo wadatashiga Qaran si ay u sahlanaato isfahanka arrimaha u baahan wadatashiga guud iyada oo dhinaca kalena la ixtiraamayo waxyaabaha Golayaasha Qaranka loo igmadey ee ay xukuumaddu u horreyso.

 Dallada SSE waxay qofkasta oo reer Somaliland ah xasuusinaysaa in aan la baal marin waxyaabaha in badan la inoo qirey ee ah inaynu bulsho kasbatay in lagu daydo, kuwaasoo salka ku haya nidaam kala dambeyn iyo qaab maamul.

 Guriga ay Somaliland dhistay waa mid ka kooban malaayiin dhagax ah oo is-hasyta. Ogow qof kastaaba inuu yahay dhagax qayb kaga jira dhisamahaa. Goobta dhagax ka baxaa waa bannaan dhaxanta iyo dabayluhu ay ka soo galayaan ee ha banayn dhinacaaga, oo ha dayicin guriga dugsoonka u baahan. Somaliland waa ul iyo diirkeed ee ha lagu dadaalo in sannadka cusub aynu si guul ah u dhammaystirno waxyaabaha badan ee innaga qabyada ah.

 Dalladda SSE waxay xukuumadda iyo golayaasha qaranka u soo jeedinaynaysaa in waddanka caddaalad lagu maamulo.

Sannadka 2013 SSE waxay guud ahaan u rajaynaysaa reer Somaliland Ilaahay garansiiyo halka dantooda iyo kheyrku ku jiro. Sannad wado jir iyo wado shaqeyn ku dhisan ayaynu filaynaa. Wakhti badan ayaa is-gurey intii lagu gudo jirey geedi socodka Somaliland, waxaanan Ilaahay ka rajaynaynaa in halganka la soo galey aan lagu hungoobin. Golayaasha xukuumadda ee hoggaanka inoo haya waxaynu sannadka cusub u rajaynaynaa in dariiqa ay u marayaan yoolka ay Somaliland higsanayso ay qaadaan toobiyaha ugu toosan uguna dhow, kaasoo si fiican inoogu haga barta aynu higsanayno oo ah waddan adduunka laga aqoonsanyahay isla markaana seeskiisu yahay caddaalad. Sannad inooga tilmaaman sannadihii ka horreeyay ayaynu rajaynaynaa. Ugu dambeyn qurbo-jooga Somaliland waxaynu isku ognahay dadaal iyo is-xilqaan dheeri ah oo ku wajahan duruufaha qurbaha innagu haysta sidii aynu u wada wajihi laheyn iyo waajibaadyada la innaga filayo inaynu ka soo baxno ee ku aadan dalkii iyo dadkii aynu ka nimid.

Ugu dambayntii, inkastoo doorashadani ay laheyd dhaliilaheeda ayaa haddana Dallada SSE waxay u hambalyaynaysaa dhammaan axsaabtii ku soo baxdey inay noqdaan xisbiyada qaran ee 10ka sanno ee soo socda haddii Ilaahay yidhaa oo isla markaana aanu xasuusinayno inay la yimaadaan barnaamij siyaasadeed oo maanta miisaan iyo milgo u yeela dalka iyo dadka reer Somaliland, kuwaasoo wakhti iyo hawl badan geliya sidii Somaliland ay lugaheeda isugu taagi laheyd. Dallada SSE waxa sido kale u hambalyaynaysaa ururadii aanay u suuroobin inay u soo gudbaan axsaabta qaran, anaga oo ku boogaadinayna dedaalka ay la yimaadeen iyo weliba dulqaadka ay la yimaadeen iyaga oo caddaalad darro badan tirsanaya. Sidoo kale Dallada SSE waxay u hambalyaynaysaa dhammaan mudanayaasha ku soo baxay Golayaasha Deegaanka. Mid Mayor noqdey iyo mid kaleba mas’uuliyad balaadhan oo maalinta qiyaame la idinkala xisaabatamo ayaa garbahiina saaran. Dunidu waa dharaaro kooban ee ha hilmaamina dhaarta aad u qaadeen ummadiina, Ilaahaya ayaanu idiinka baryaynaa inuu idiin sahlo mas’uuliyada aad dhabarka u ridateen.

Alle ayaa mahad leh,
SSE
Guddiga Fulinta


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development