Shirkan oo ujeedadiisu ahayd
1.Baraarujin sidii Qurbajoogga reer Somaliland ee ku nool UK ay uga qayb qaadan lahaayeen bannaanbaxa ka dhici doona Brussels 11 April 2013 . ( 2 ) Wada-xaajood in laga yeesho shirka Somalia loogu qaban doono London 7 May 2013 .
Shirkaa waxaa qudbad ka soo jeediyey dhammaan Madaxda ururada iyo Safirka Somaliland , waxayna dhammaantood ka hadleen ahmiyadda ay leedahay wadashaqayn ay yeeshaan dhammaan ururada Somaliland ee ku baahsan Yurub iyo United Kingdom . Gudoomiya ururka SSE Cabdirahman Yassin ayaa wuxuu Qurbajoogga reer Somaliland ee Ingiriiska uga waramay Mudaharaadka ay abaabulayaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee France , Germany , Holland iyo Belgium iyo ahmiyadda ay leedahay inay gacan weyn ka geystaan Mudaharaadkaa bulshada reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiiriisku.
Shirkan oo ahaa mid ku soo hagaagey wakhti duruufo badani la soo darseen dalkeena oo ay ka mid yihiin Taageerada ballaadhan ee Caalamku siinayo dalka Somalia , dhibaatada Somaliland uga iman karto cuna qabataynta Hubka ee dhawaan laga qaaday dalka Somalia , shirka Somalia loogu qabanayo London , wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Somalia ayaa noqday mid ahmiyad weyn yeeshay oo si hufan loogaga wada dooday danaha Somaliland iyo waxaa inagu waajiba Qurbajoog ahaan si aan u sii xoojino halgankii horeba aan ugu jiray kobcinta Qarannimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaa shirkaa lagaga dhawaaqay guddi matalaysa Qurbajoogga reer Somaliland ee UK oo ka qayb qaadan doonta abaabulka mudaharaadka Brussels 11 April 2013 , haddii Alla yidhaa .
Ahmed Kadleye