Sida aan saxaafadda kala soconay waxa magaalada Hargeisa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacay laba arrimood oo kala ahaa weerar lagu qaaday 24-kii April ee sannadkan xarunta wargayska Hubaal oo dhaawac loogu gaystay laba suxufi, sidoo kale waxa la xidhay bishan July 3-deedii ee 2013-ka labada suxufi ee Hassan Hussein Abdillahi iyo Mahamed Ahmed Jamac kuwaas oo xadhigooda lala xidhiidhinayo mihnaddooda shaqo, gaar ahaan warar ay ku qoreen Wargeyska Hubaal.
Dallada SSE waxay marka hore cambaaraynaysaa weerarkii waxshninimada ahaa ee loo geystey Wargeyska Hubaal, falkaas oo ay fuliyeen laba xubnood oo midkood ahaa ciidanka nabad-galyada ee Booliiska Somaliland. Waxa kaloo aan canbaaraynaynaa xukunka ku dhacay masuuliyiinta wargeyska Hubaal, xukunkaas oo loo adeegsaday xeerka ciqaabta oo ka duwan xeerka madaniga ah ee ay saxaafadi leedahay.
Annaga oo dhanka kalena cambaraynayna wargaysyada, suxufiyiinta iyo warbaahinta kale ee ku kacda warar-ka been abuurka ah iyo warar iska horkeeni kara bulshada Somaliland, waxa kaloo u soo jeedinayna suxufiyiinta inay masuuliyadda mihnad ahaaneed iyo midda qaran ahaaneedba ilaaliyaan, kana waantoobaan warar kutidhi ku keenta ah ee waxyeelaynaya karaamada mihnadooda oo ku dhisan inay qoraan warar ka turjumaya xaqiiqada kolbaba ay qoroyaan.
Waxa haddana lama huraan ah in ay dimuuqraaddiyadda ku jirto in saxaafadda madaxa bannaan aan la cabudhin. (Taas macnaheeduna maaha in ay qorto war ku xad gudbaya nidaamka ay leedahay saxaafadu)
Dallada SSE waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta xukuumadda Somaliland gaar ahaan laamaha garsoorka iyo caddaaladda in muwaaddiniintaas (suxufiyiinta) lagu xukumo sharciga waafaqsaan xeerka saxaafada ee hore loo dhaqan galiyay, sidoo kale waxaanu ka codsanayna in la hor keeno maxkamad sida ugu dhakhsaha badan cida loo hayo dembigii lagula kacay suxufiyiinta ee dhaawacyada loogu gaystay.
Waxa kale oo Dallada SSE ku baaqaysaa in la dhowro xuquuqda muwaaddiniinta dhammaan, gaar ahaan tan suxufiyiinta oo qayb weyn ka ciyaarta kobcinta dimuuqraaddiyadda Somaliland.
Dallada SSE waxay soo jeedinaysaa in ay xukuumadu iyo bahda saxaafadu ka gaadhaan heeshiis xeerka saxaafada madaxa bannaan ee hore loo dhaqan galiyay si loo soo afjaro muranada xaga sharciga ee soo jiitamayay mudada ama wakhtiga dheer.
Waxa kale oo aanu soo jeedineynaa in iyadoo lala tashanayo saxaafada iyo qaybaha bulshada la soo saaro xeer madani ah oo ashkatooyinka sumcad dillista ama sumcad dhimista loo mari karo oo laga saaro arrimahaas Xeerka Ciqaabta, sida adduunka intiisa badanba hadda loogu dhaqmo.
Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,
Guddiga Fulinta SSE
Email: info@sseuro.com
www.sseuro.com
Dallada SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.