SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Hambalyo ku socota Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo iskashigaa Calalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland(SUNDAY - 28/July/2013)

Dalladda xidhiidhisa jaalliyadaha qurbo joogga Somaliland ee Yurub, SSE, waxay ugu hambalyaynaysaa wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskashigaa Caalamiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo la wareegay xilka wasaaraddaasi.
Waxaannu wasiirka cusub Illaahay uga baryaynaa inuu hawsha loo igmaday u fududeeyo.
Magacaabista wasiirka cusubi waxay ku soo beegantay waqti xasaasi ah oo lagaga bixi karo karti, dadaal dheeraad ah, daacadnimo iyo wada tashi. Mudane Maxamed Biixi Yoonis waa mas’uul astaamahaas wada leh.
Waxaannu rajaynaynaa in Mudane Maxamed Biixi Yoonis isagoo uga faa’idaynaya aqoonta iyo waayo aragnimada uu u leeyahay sida nidaamka adduunku u shaqeeyo uu ka midho dhaliyo himilada shicibka Somaliland.

Waxaannu rajaynaynaa in Mudane Maxamed Biixi Yoonis unkumi doono siyaasad arrima dibabeed
oo macno ku fadhida iyo inuu danta Jamhuuriyadda Somaliland ka horraysiin doono danta ay
leedahay Bulshada Caalamku.

Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa mowqifka uu ka qaatay shirarka lala gelayo Somaliya oo uu sheegay inaan Somaliland ka qayb geli doonin shir ay daba fadhiisanayaan dowladda Somailya.

Guul iyo Gobannimo
Guddomiyaha Guddida Fulinta SSE
Abdourahman Yassin

Dallada SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda iyo Jaaliyadha reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development