Ururka xidhiidhiya bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) wuxuu dhammaan bulsho-weynta Islaamka, gaar ahaana dadka reer Somaliland dhambaalkan idiinku soo gudbinayaa munaasabada Ciida-ul Adxada oo ku beegan maalinta Salaasada ee ay taariikhdu tahay 15ka Oktoobar 2013.
Hambalyo iyo boogaadin
Ugu horreyn Ilaahay ayaa mahadi u sugnaatey iyadoo dalkeena iyo dadkiisuba ay ku ciidayaan farxad iyo rayrayn munaasabada ciida darteed.
Guud ahaan dadka reer Somaliland mid dalka ku nool iyo mid qurbaha ku suganba waxa ururweynaha SSE idiinku boogaadinayaa munaasbada ciida oo aanu idiin rajaynayno inaad ku ciidaan jawi farxadeed oo uu weheliyo caafimaad qab iyo raynrayn. Waxaanu idiin soo gudbinaynaa hambalyo diiran oo aanu idin leenahay farxad iyo qalbi furan ku ciida. Munaasabada ciidan Adxada ayaynu Ilaahay ka baryaynaa in goobaha aynu ku kulmayno jawigooda iyo qaabka aynu u ciideynaa uu inoo noqdo mid kheyr iyo wanaag uu weheliyo.Sidoo kale Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu Ciida dambe inagu gaadhsiiyo wanaag, nabad, barwaaqo iyo Somaliland oo aqoonsi ka hesha bulshada caalamka.
Waa maalin ay tahay inaynu dhammaanteen qaybsano dareenkeena farxadeed isla markaana si walaalnimo ah isu-weydaarsano halmablyada iyo jawiga farxadeed ee munaasabada ciidu ay wadato. Waa maalin ay tahay in la isu muujiyo walaalnimo, kalgacal isla markaana si niyad ah la isu cafiyo iyadoo laga faa’iideysanayo fursadaha ay maalmaha ciiduhu leeyihiin. Waa maalin ay tahay in si gaar ah looga warhayo bulshadeena inta jilicsan ama xanuusanaysa amaba duroofo kale haystaan isla markaana loo baahanyahay booqashadooda.
Xasuusin
Munaasbada Ciida darteed ayaanu dhammaan dadka reer Somaliland xasuusinaynaa karaamada iyo haybada qaranimo ee Ilaahay inagu nimceeyay isla markaana u baahan in Ilaahay loogu mahadnaqo. Waa muhiim in aan qalbiyadeena iyo laabaheena ku hayno in maalmaha sidan oo kale u tilmaamani aynu fursad u helnay inaynu ku ciidno nabad iyo deganaansho.
Waa muhiim inaynu ogsoonaano in munaasbada ciidu ay inoogu soo galeyso inagoo ku sugan xasilooni iyo deganaansho. Qaranimada iyo dowladnimada lagu ciidayaa waxay ina xasuusinaysaa nimcada iyo wanaaga la haysto iyadoo weliba wax badan la gaadhay isla markaana wax badan la higsanyo oo aynu Ilaahay ka baryayno maalmahan tilmaaman inuu inoo sahlo yoolka iyo himilooyinka aynu beegsanayno.
Dardaaran
Munaasabada Ciida Adxada darteed waxa naga fariin ama naga dardaaran ah in la xoojiyo midnimada iyo isku tiirsanaanta dalka iyo dadka reer Somaliland. Jidka ama hillinka la marayaa waa tacab, waana mid u baahan sabir, dulqaad, is-tixgelin si kasta oo loo kala aragti duwanyahay, si markaa loo adkeeyo is-huwanaanshaha iyo midnimada shicibka reer Somaliland.
Waxa naga dardaaran ah in aan marnaba la dhayalsan fursadaha qaaliga ah ee Ilaahay inagu manaystay oo ay u horreyso xorriyada aynu haysano isla markaana la wada dhowro lana ilaaliyo milgaha dowladnimo. Dallada ama ururweynaha SSE wuu dareensanay loolanka siyaasadeed ee dalka ka jira laakiin waxa naga farriin ah in mar walba danta guud laga horumariyo ta gaarka ah si himilada inaga dhaxeysa loogu mideysnaado.
Urur Weynaha SSE wuxuu mar walba xukuumadda iyo shicibka reer Somaliland kula dardaarmayaa in aan marnaba la sahashan qiimaha ay inagu kacdey qaranimada iyo xorriyada aynu maanta dugsinayno isla markaana wax walba laga horumariyo sidii loogu faro adeygi lahaa ilaalinta danta guud.
Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diiran oo aanu idin leenahay ku ciida caafimaad iyo farxad.
Alle ayaa mahad leh,