Kulan sannadeedka Jaaliyadaha Yurub ee Somaliland oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Somaliland Society Europe (SSE), ayaa maalintii Sabtida (26.04.2014) lagu soo gabogabeeyay magaalada Helsinki ee dalka Findland. Kulan sannadeedka ayaa waxa iska kaashadey dallada SSE iyo Jaaliyada Somalilande ee dalka Finland (Somaliland Seura).
Warsaxaafaeekii kan ka horreeya ayaa lagu faahfaahiyey ujeedada kulanka iyo weliba waxyaabihii ka soo baxay qaybtii hore ee klunka ee maalinta Jimcaha, kaasoo ay marti ku ahaayeen aqoonyahano reer Somaliland sida prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo aqoonyahano kale oo ka ajaanib ahaa. Sidoo kale waxa marti ku ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Guddoomiyaha urur siyaasadeed UCID. Waxa kale oo goob joog ka ahaa in badan oo ka mid mas,uuliyiinta Jaalidaha Somalilande e Yurub. Warbixintii tan ka horreysay ayaa lagu soo koobay dhammaan dadkii haddalada ka soo jeediyay iyo weliba mawduucyadii ay ka hadleen.
Maalinta labaad ee kulanku waxay si gaara ugu wajahneyd in laga hadlo waxqabadyada Dallada SSE iyo ururada xubnaha ka ah, waxyaabihii u qabsoomay sannadkii laga soo gudbay iyo waxyaabaha ay filanayaan sannadka soo socda.
Ugu horreyntii waxa fursada la siiyay guddiga fulinta ee dallada SSE oo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay guddi ahaan sannadkii laga soo gudbay iyo weliba caqabadaha ka hor yimid iyo waxyaabaha u baahan in si wada jir ah loo wada qabto. Guddoomiyaha Dallada SSE (Abdourahman Yaasiin), Lacaghayaha Dallada (Iid Xasan) iyo Mooto Xaaji Cali oo ka mid xubnaha guddiga fulinta ayaa goobta ka akhriyay warbixinta Dallada.
Qaybtan hore ee kulanku markii ay dhammaatay ayaa waxa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyay mas,uuliyiinta Jaaliyadaha Somalilande e Yurub, kuwaasoo si kooban uga warbixiyay halka ay wax u marayaan, shaqooyinka ay ka qabtaan waddamada ay joogaan iyo waddankii Somaliland. Sidoo kale waxay warbixintooda raacsanayeen tallooyin ku wajahan Dallada SSE iyo waddankiiba. Mas,uuliyiintii warbxinaha goobta ka akhriyay ayaa waxa ka mid ah:
Dr. Xuseen Cabdillahi (Nomad), Mawliid ( Jaaliyada Somalilande e Faransiiska), Jaaliyada Dallada Guud ee Sweden (Zakariye) Xasan Wacays), Jaaliyada Somalilande e Galbeedka London (Iid Xasan), Axmed Kadleye (EAD), Ayan Maxamuud (Kayd), Xasan Cali (Jaaliyada Somalilande ee Finland), Cabdirizak Af-qaraf(Jaaliyada Somaliland ee Denmark), Maxamed Yuusuf (My Somaliland), Jaaliyada Somalilande e Talyaaniga oo aanu mas,uulkeedii duruuftu u saamixi weyday ayaa waxa warbixintii Jaaliyada Somaliland ee Talyaaniga bixiyay Jama Muse Jama, Sayid (Somaliland Pen). Warbxino waafiya ayaa ay dhamman mas,uuliyiintani gioobta ka soo jeediyeen.
Qaytani markii ay dhammaatay ayaa talooyinkii goobta ka soo baxay ee la xidhiidhay Dallada goobta ka soo jeediyay Cabdiraxman Cabdullahi Jibriil.
Talooyinka loo soo jeediyay Dallada ayaa waxa ka mid ahaa:
- In shir sannadeedka SSE(da) laga dhigo labo sannadle si diyaar garow fiican loo sameeyo.
- In aad looga shaqeeyo xeerarka iyo shuruucda ay Dallada salka ku hayso.
- In si fiican loo habeeyo qorshe sannadeedka Dallada SSE isla markaana la diyaariyo istaraatajiyad qorsheysan oo hage u noqota Dallada SSE, taasoo leh hawl-tilmaadeed qorsheysan.
- In si fiican loo qeexo shuruudaha ka mid noqoshada Dallada iyo weliba waajibaadyada iyo xuquuqaha ku xeeran.
- In aad looga shaqeeyo xoojinta wada shaqeynta ururada Dallada iyo weliba in aad loogu dedaalo baahinta Dallada.
- In sidoo kale la adkeeyo xidhiidhka wada shaqeyneed ee u dhaxeeya qurbo jooga Somaliland iyo ka waddankii iyadoo loo marayo dariiqooyinka iyo hab maamuuseedka loo baahanyahay.
- Kulanka waxa talo ahaan laga soo jeediyay in la taageero ololaha ay wadaan My Somaliland, kaasoo la isku raacay in ololahaa lagu fidiyo dhammaan ururada iyo Jaaliyadaha Yurub, iyadoo la tilaansanayo bisha September. Ergooyinka ka socda My Somaliland ayaa hage u noqon doona ololahan iyadoo dhammaan jaaliyadaha kalena ay si hagar la,aana ula shaqeyn doonaan si loo gaadho maxsuulka laga damacsanyahay ololahan.
Qaybahan ayaa waxa daadihinayay Maxamed Amiin iyo Xasan Nuur. Markii barnaamijka qaybtani dhammaaday ayaa waxa la guda galay qaybtii ugu dambeysan ajandaha kulanka oo ah doorasgada xubnaha guddiga fulinta Dallada SSE oo hoggaan u noqnaya labada sanno ee soo socda. Shir guddoon ka kooban saddex qof ayaa la doortey kuwaasoo ahaa Dr. Xuseen Cabduulahi, Xasan Nuur iyo Abdullahi Aden Rooble, kuwaasoo loogu talo galay inay haggaan nidaamka doorashada.
Markii goobta laga akhriyay nidaamka iyo habka doorashada ayaa waxa la gudo galay doorashada xubnaha guddiga. Dood iyo haddal isweydaarsiyo badan ayaa waxa ugu dambeyntii la doortey xubnaha soo socda:
Abdourahman Yaasiin: Guddoomiyha Jaaliyada
Iid Xasan (Lacag haye)
Mooto Xaaji Cali (xubin)
Abdirizak Af-qaraf (xubin).
Shirweynuhu waxa guddiga la doortey uu awood u siiyay inay dhammaystirtaan xubnaha guddiga.
Kulanweynihii SSE markii uu dhammaaday, ayaa waxa furmay dood cilmiyeed guud oo ku wajahan duruufha ku xeeran waddankii iyo qurbahaba. Dood cilmiyeedkan ayaa waxa ka qayb qaatay: Guddoomiyaha Baarlamaan Somaliland (Cabdiraxman Maxamed), Guddoomiyaha Ururka Ucid (Faysal Cali), Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Guddoomiya Dallada SSE (Abdourahman Yassiin), Ayan Cashuur iyo Maxamed Haaruun. Dood cilmiyeedka oo aad u dheeraa warbixin gaara ayaa laga soo saarayaa, waxaanu ku dhammaaday guul.
Ugu dambeyntii mas,uuliyiinta Qaranka iyo prof Axmed Ismail Samatar dardaaran iyo mahadnaq ayay u soo jeediyeen dallada iyo ururada xubnaha ka ahba. Si gaara ayaa loogu mahadnaqay Jaalliyada waddanka Findland, xubnaheeda iyo guddigeedaba.
Allaa Mahad Leh,
Xooghaynta shir sannadeedka Dallada SSE