Dallada SSE oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub waxa dareen walaac iyo werwer ka muujinayaan khilaafka iyo muranka mar kale ka soo cusboonaadey Golaha Wakiilada maalintii Sabtida ee ay taariikhdu aheyd 15ka November 2014.
Ugu horreyn Dallada SSE waxay baaqan uga faa’iideysanaysaa oo tacsi tiiraanyo leh u soo gudbinaysaa ehelada iyo asxaabta muwaadinada reer Somaliland ee ku geeriyootey shaqaaqada ka dhalatey khilaafka Golaha Wakiilada, waxaanu muwaadinadaa Ilaahay uga baryaynaa inuu naxariista jano ka waraabiyo (Aamiin).
Sidoo kale waxa aanu caafimaad u rajaynayaa dhammaan dadka uu dhaawacu ka soo gaadhay, haddii ay yihin ciidanka Qaranka iyo shicibkaba.
Waxay aheyd bishii Febraayo 2014kii markii la soo afjaray khilaaf markaa u dhaxeeyay darafyada is-hayay ee xubnaha Golaha Wakiilada. Dallada SSE waxay muujinaysaa in khilaafkan soo cusboonaaday uu yahay mid karaamada iyo sharafta Qaranka Somaliland dhaawac iyo boog ku ah isla markaana uu yahay mid wiiqaya kalsoonida iyo wada-shaqeynta Golayaasha Xukuumadda. Khilaafkan la soo darsey Golaha Wakiilada waxa uu weji gabax weyn ku yahay heshiisyadii la gaadhey bishii Febraayo 19keedii 2014, kaasoo ay ka soo shaqeeyeen Golaha Guurtida Somaliland oo runtii si xilksanimo ku jirto uga hawl galey arrinkaa.
Maadaama wakhtigan loo baahnaa in si wada jir iyo isku duubni ay ku jirto looga wada shaqeeyo diyaarinta Doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan sannadka 2015(ka) ayaa waxa aad moodaa in lagu degdegay mooshino cusub oo Golaha la keeno taasoo fogeynaysa jawiga togan ee loo baahanyahay in Goluhu ku wada shaqeeyo.
Dallada SSE iyadoo ka duuleysa danta dalka iyo dadka reer Somaliland ayaa waxay ku baaqayaan qoddobada soo socda:
- In dhammaan dhinacyada is-haya ee Golaha Wakiiladu ay iyagu ugu horreyn maanka ku hayaan mas’uuliyada ay ummadooda u qaadeen ee ay weliba u dhaarteen inay ilaalinayaan danta dalka iyo dadka reer Somaliland. Dhaawac iyo xagtimo aan loo baahneyn ayaa durbaba Qaranka gaadhey ee waxa naga codsi ah in arrimo si sharciga waafaqsan xal loogu heli karo aan loo marin hab caadifad iyo cadho ay weheliso oo inagu haga jiho khaldan.
- Waa mahuraan in Golaha Wakiilada iyo dhammaan xildhibaanadiisuba ay ku baraarugsanaadan kaalinta udub dhexaadka ah ee ay waddanka ugu jiraan isla markaana wixii mooshino ah ama aragtiyo kala duwan ah lagu xaliyo iyada oo la marayo shuruucda Golaha wakiilada. Si gaara ayaanu baaqan ugu xuseynaa in Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada loo baahanyahay inay door ama kaalin togan ka ciyaaraan xalinta arrinkan. Waxa aanu ogsoonahay inuu jiro dareen ka dhex oogan Golaha Wakiilada iyo ka Xukuumadda oo la isku eedeynayo falal faro gelin ah. Waa lagama maarmaan in la ixtiraamo shuruucda kala xadideysa Golayaasha isla markaana laga shaqeeyo kalsoonida iyo wadashaqeynta Golayaasha.
- Axsaabta Qaranka Somaliland oo qayb muhiim ah kaga jira haykalka dowladeed ayaanu si xushmadi ku jirto uga codsanaynaa inay ka shaqeeyaan isku duubnida iyo wada shaqeynta Qaranka Somaliland.
Xasuusin :
Somaliland waxay weli ku jirtaa geedi socod aan si fiican u sal dhigan. Jidka la marayaa ma hawl yara, waxaana aynu ku dhex noolnahay mandaqad hawsheeud badantahay. Aqoonsi iyo mustaqbal ayaa loo raadinaya ubadka maanta iyo ka beri. Waxa aynu higsanayno ayaa ka weyn waxa hadda la isku khilaafsanyahay. Taariikhdu way xusi doontaa cida u hiilisa ama ka hiilisa mustaqbalka loo halgamo.
Boogaadin.
-Dallada SSE waxay boogaadin iyo ducaba u soo gudbinayaan Golaha Guurtida, Guddoomiyahooda iyo Odayaasha Golaha oo khilaafkii Golaha Wakiiladaha hakiyay si aanu u gelin xaalad adag isla wakhtigana mashquul ku ah xalinta arrinkan.
- Waxa kale oo Dallada SSE ay u mahadnaqeysaa dhammaan xildhibaanadii mawqifka fiican ka qaatay shaqaaqada ka soo cusboonaatay Golaha Wakiilada isla markaana ku taliyay in Golaha Wakiilada lagu soo celiyo jawi wada shaqeyn ah isla markaana wixii khilaafaad ah ee la xidhiidha mooshinada ama wixii soo jeedin ah lagu meelmariyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u yaala Golaha Wakiilada.
-Dhammaan shicibweynaha reer Somaliland ee nabada, xasiloonida iyo wanaaga somaliland jecel ayaanu iyagana ugu boogaadinaynaa sida ay marwalba uga go’antahay garab istaagida iyo taageerida qaddiyada Somaliland.
Dallada SSE Guul, gobanimo iyo is-afgarad fiican ayay u rajaynaysaa Xildhibaanada Maalinta Salaasada ku ballansan Golaha Wakiilada.
Alle ayaa mahad leh,
Guddida Fulinta ee Dallada SSE