SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Xasuusta sannadka tagey, boogaadinta iyo saadaasha sannadka cusub (WEDNESDAY - 31/December/2014)

Tixraac: SSE/Fr –001-PR

Dallada kulmisa ururada iyo bulshada reer Somaliland ee Yurub (Somaliland Society in Europe) ayaa idinla wadaageysa xasuusta sannadka laga gudbayo ee 2014 iyo sannadka inagu soo fool leh ee 2015. Ugu horreyn Dalladu waxay idiin soo tabineysaa hambalyada sannadka cusub. Ilaahay ayaynu ka rajaynaynaa inuu wakhtigaa, wakhtigiisa inagu wada gaadhsiiyo caafimaad taam ah iyo cibaado toosan(Aamiin).

Sannad walba dhammaadkiisa dallada SSE waxay si dareen ku jiro idinla qaybsataa dhacdooyinka togan iyo kuwa taban ee sannadka la soo dhaafay iyo hiigsiga sannadka fooda inagu soo haya.

Dhacdooyinka togan ee madhaafaanka ah ee sannadkii 2014kii waxaa ka mid ah:
Dowladda Somaliland oo u hawl gashey fulinta mashruuca wadada isku xidhaya Magaalada Burco ee gobbolka Togdheer iyo magaalada Ceerigaabo ee Gobbolka Sanaag. Xukuumadda Somaliland oo kaashaneysa Golayaasha kale ee xukuumadda iyo dhammaan shicibweynaha Somaliland gudaha iyo dibeda ayaa u hawl galey mashruucan balaadhan isla markaana bilaabey wejigii hore ee dhisida wadadan dheer. Waa mashruuc haddii lagu guuleysto dhammeystirkiisa geli doona xasuusta taariikhda dahabiga ah ee Somaliland. Waa tallaabo geesinimo leh oo lagu dhiiradey isla markaana aynu Ilaahay uga baryeyno in si sahlan ay ku dhammaato.

Dallada SSE waxa kale oo ay tallaabo togan u aragtaa markii ciidanka Qaranka Somaliland uu si togan u faro geliyay Deegaananada Taleex iyo Saaxdheer oo iyada oo aan dhiig ku daadan lagu baajiyay hawl galo aan marnaba dan u aheyn isku duubnida iyo wada jirka ummada reer Somaliland.

Sannadkii 2014ka waxa kale oo lagu xasuusan doonaa fulinta mashariic horumarineed oo dhismayaal xarumeed loogu dhisey qaar ka mid hay’adaha iyo Wasaaradaha waddanka Somaliland, taasoo xoojineysa haykalka iyo maamulka xukuumadda Somaliland iyo weliba korodhka miisaaniyda marka loo eego sannadihii ka horreeyay

Dhacdooyinka taban ee sannadkii 2014(ka) waxa lagu xasuusan doonaa qoddobada hoos ku xusan:

Dhacdooyinka taban ee aynu ku xasuusanayno sannadka 2014 waxa la soo qaadan karaa tusaale ahaan inuu ahaa sannad tacadiyo badan lagula kacay qaar ka mid suxufiyiinta iyo wariyayaasha saxaafada madaxa bannaan. Waxa iridaha loo laabay oo la joojiyay wargeysyadii Haatuf iyo Somaliland Times.

Khilaafkii ba’naa ee labada jeer soo kala dhex galey xubnaha Golaha Wakiilada iyo adeesiga mooshin la rabey in xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiyaha ayaa isna xasuustiisa taban leh, kaasoo Golaha Guurtidu ay soo afjarka khilaafaadkaa ay gacan weyn ku lahaayeen. Dallada SSE boogaadin iyo mahadnaq buuxa ayay la garab istaagtey Golaha Guurtida oo wakhti iyo hawl badan ku bixiyey dhexdhexaadinta arrinkan.

Sannadka 2014ka waxa si aada loogu xasuusan doonaa inuu ahaa sannad aan loo meel dayin adeegsiga kulanada reeraysan, taasoo si ka baxsan anshaxa loo adeegsadey qalabka warbaahinta iyadoo la isticmaalayo af ama luuqad reeraysan.

Saadaasha sannadka 2015:
Sannadka fooda inagu soo haya ee 2105 ayaa waxaynu ugu horreyn Ilaahay ka baryaynaa inuu inooga dhigo mid wanaag, horumar iyo barwaaqo inoo horseeda.
Sannadka 2105 waxaynu rajaynaynaa in la dhammeystiro dhammaan waxyaabaha ka qabyada ah qabashada doorashada Golaha Wakiilada iyo ta Golaha Xukuumadda isla markaana dhinacyada ay khuseyso iyo Golaha Komishanku ay ku heshiiyaan wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinkaa.

Wada haddalada ay Somaliland la wadey waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ayaynu sannadka 2015 ka fileynaa in xukuumadeenu ay u hawl gasho iyadoo kaashanaysa haykalka Qaranimo ee Somaliland sidii qadiyadeena ay u aqbali lahaayeen isla markaana ay u tixgelin lahaayeen doonista shicibka Somaliland oo aynu ka warhayno halka ay ka taagantahay in la helo Somaliland xor ah oo ay aqoonsato bulshada caalamku.Dallada SSE si gaara ayay diirada ugu haysaa sidii xoog iyo wakhti loo gelin lahaa u hawl-galka qaddiyada Somaliland iyo sidii beesha caalamka aqoonsi looga heli lahaa. Sannadka 2015(ka) waxa aanu rajaynaynaa in aad loogu hawl galo arrinkan iyada oo dib loogu hawl galayo xoojinta la shaqeynta saaxiibada ay Somaliland ku lahayd waddamada dibada iyo weliba in la xoojiyo xidhiidhka iyo wada-shaqeynta wakiiladda Somaliland ee dibada, ururada qurbo jooga iyo Wasaarada Arrimaha dibeda ee Somaliland.

Sannadka 2015 Dallada SSE waxay rajaynaysaa inuu inoo noqdo sannad wacyi gelin badan laga sameeyo dhibka uu leeyahay reeraysigu ama qabyaaladu, kaasoo ah cadowga wiiqi kara ama daciifin kara isku duubnida iyo midnimada shicibka Somaliland. Dallada SSE marar badan ayay baaqyo ka soo saartey arrinkan, waana inoo muhiim in wacyigelin dheeri ah laga sameeyo khatarta ka imanaysa in beelaysigu ka miisaan cuslaado Qaranimada, Hay’adaha Dawliga ah ee aynu abuurney 23 kii sanno ee u dambeeyay iyo weliba Axsaabta Siyaasadeed ee aynu u abuurney in lagu tartamo. Qaran iyo Qabiil meel ma wada galaan, waana mahuraan in xukuumdu ay abuurto tashiilaadkii ay arrinkan wacyi-gelintiisa ku xoojin laheyd. Sidoo kale waa in ay xukuumaddu dejiso qorshe abuura dareen amma ahaanshe Somalilandnimmo oo shiiqiya dareenka qabiilka ama reeraysiga.

Gebo-gebo

Gebogebo ahaan caddaalad iyo garsoor ku salaysan eex la’aan iyo sinaan ayaan kula dardaarmaynaa dhammaan Golayaasha iyo Hay’yadaha dawliga ah ee Somaliland. Dallada SSE inay taageerto oo baraarujin ka bixiso in loo caddaalad falo dadka reer Somaliland mudnaan ayay u aragtaa iyo weliba in la dhageysto cabashooyinka ku wajahan awood qaybsiga haddii ay tahay heer Qaran, mid Gobbol iyo mid tuulo. Ummad aan caddaalad lahayn ma hana qaado, sidaa awgeed xukuumadda Somaliland si gaara ayaanu uga codsanaynaa in la xoojiyo dhammaan imkaaniyaadka ama kaabayaasha inoo adkaynaya in caddaalad lagu wada noolaado. Caddaaladu waa shayga keliya ee deeqa ama kaafiya ummad meel ku wada nool oo isku dan ah isla markaana xoojisa kalsoonidooda, wadajirkooda iyo wada-shaqeyntooda.
Sannadka cusub ee 2015ka Dallada SSE waxay guud ahaan u rajaynaysaa reer Somaliland inay ku sugnaadaan isku duubnida iyo wada jirka loo baahanyahay. Waa muhiim inaynu dhammaanteen ku baraarugsanaano hawlaha ballaadhan ee ina sugaya iyo sidii aynu mustaqbal sugan oo horumar ku salaysan ugu yagleeli lahayn jiilka mustaqbalka.

Allahayaa mahad leh.

Guddiga fulinta ee Dallada SSE


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development