SSE Banner - Somaliland Societies in Europe | Connecting Somaliland Communities
Home About Us Events News Photos Contact Us

Latest News

Dallada SSE oo cambaareynaysa xadhiga lagula kacay Guddoomiyaha Jaaliyadaha qurbo jooga ee dalka Sweden:Taariikh: 07/01/2015 Tixraac: SSE/Fr –002-PR(WEDNESDAY - 7/January/2015)

Dallada SSE oo ay ka bahoobeen ururada Somaliland ee Yurub waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan xadhiga iyo xanibaada lagula kacay Guddoomiyaha Jaaliyadaha Qurbo jooga ee dalka Sweden Zakariye Xasan Waceys , maalintii Salaasada ee ay taariikhdu aheyd 6 Janaayo 2015.
Dallada SSE xogta ay ka heshay xubnaheeda ku sugan waddankii ayaa u xaqiijiyey markii Guddoomiyuhu uu ka soo degay garoonka diyaaradaha (Egal) ee Magaalada Hargeysa, qiyaasaha 11:00 duhurnimo maalintii Salaasada in lagu xidhey Saldhig Booliis oo ku yaala garoonka dhexdiisa. Sida naloo xaqiijiyey amarka xadhiga iyo xanibaada lagula kacay Guddoomiyaha ayaa waxa uu ahaa mid ka yimid Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Xukuumadda Somaliland mudane Cabdillahi Maxamed Daahir (Cukuse). Waxa kale oo naloo xaqiijiyey in mas’uuliyiin Qaran oo goobta ku sugnaa ay isku dayeen inay falkaa xadhiga ah baajiyaan balse uu Wasiirku ku adkeystay in muwaadinkaa lagu xidho Saldhiga ku yaala garoonka dhexdiisa.
Cambaareyn:
Inkastoo markii dambe guddoomiyaha loo soo celiyay xorriyadiisa ayaa haddana Dalladu waxa ay cambaareynaysaa falka ka baxsan nidaamka garsoorka ee lagula kacay muwaadinka Qurbo jooga ah oo dalkiisa u soo booqdey inuu soo fuliyo hawlo wax-tar u leh horumarka dalka iyo dadka reer Somaliland. Dalladu in badan ayay dareen taban iyo walaac ka muujisey muwaadiniinta xadhiga iyo tacadiya lagula kaco iyada oo aan maxkamad sharci ahi aanay xukumin ama soo amrin xadhigaa.
Dalladu waxay falkan u aragtaa mid waxyeelaynaya nidaamka Dimuqraadiyaydeed ee ku salaysan is-tixgelinta iyo ilaalinta karaamada muwaadiniinta reer Somaliland mid dalka ku sugan iyo mid Qurbaha ku suganba. Waxa kale oo dhaawaceysaa kalsoonida iyo wada shaqeynta u dhaxeeya ururada Qurbo jooga iyo dalkooda
Talo soo jeedin:
Dalladu waxay ku baaqaysaa ama ka codsaneysaa mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland in la ilaaliyo xushmada ay huwanyihiin muwaadiniintu. Dalladu waxay ka digeysaa in aan muwaadiniinta Somaliland aan si sahlan xadhig loola beegsan iyada oo aan la soo marin nidaamka garsoorka iyo Maxkamadaha Somaliland ee aasaaska iyo saldhiga u ah qaabka garsoor ee waddankeena. Ilaalinta caddaaladu waa sheyga ugu qaalisan ee Qaran ku hano qaado, nidaamkiisana dowladeedna uu ku waaro.
Gunnaanad:
Waxa aanu rajaynaynaa in aanu falkani wax saameyn taban ah ku yeelan kalsoonida Qurbo joogu ay ku qabaan waddankooda isla markaana wixii dedaalo ah ay halkoodii ka sii wadaan. Ugu dambeyn si gaara ayaanu uga codsanaynaa in Guddoomiyaha Jaaliyadaha dalka Sweden iyo xubnaha kale ee ku wehelinayay safarka booqasho aanu falkani marnaba hoos u dhigin kalsoonida ay ku qabaan waddankooda isla markaana wixii hawlo ah ee ay waddanka u tageen u soo fuliyaan sida uu qorshuhu ama ku talo galku ahaa.

Alle ha ina waafajiyo tallada toosan,

Guddiga Fulinta SSE


BACK
Home | About Us | Events | News | Photos | Contact Us SSE Banner Bottom - Contact Info | Mobilizing Somaliland Diaspora for National Development